Hargeysa, 17 August, 2014 (Himilo)- Maxakamadda Sare ee Ciidamada Somaliland, ayaa Xukun dil ah ku ridday Askari hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Naafadda Qaranka oo hore dil ugu geystay Qof Shacab ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Ciidamada dalka.
Gacan ku-dhiigle xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Dacar Cali Ibraahin, ayaa sida ay maxkamaddu sheegtay waxa uu 18-kii bishii 5aad ee sannakdan dil u geystay wiil dhalinyaro ah oo uu Adeer u yahay, waxaanay maxkamadda shalay ku xukuntay Dil Toogasha ah.
War-saxaafadeedka lagu shaaciyey xukunka Maxkamaddu ku ridday gacan-ku-dhiiglaha oo uu ku saxeexan yahay
guddoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle sare Maxamed Xasan Faarax, ayaa u qornaa sidan:- “Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay Xukun maanta (shalay) oo ay Taariikhdu tahay August-16-2014, Waxayna ku xukuntay Dil toogasho ah Racfaanle, Gacan ku dhiigle Dacar Cali Ibraahin oo ka tirsanaa Naafada Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasi oo dilay 18-kii Bishii 5-aad 2014 (18-5-2014) Marxuum Shicib ah Cabdirisaaq Maxamuud Axmed, ina Caasha Cali oo 25 jir ah, kaasi oo uu Adeer u ahaa,” sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka lagu shaaciyey go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment