“Lacagta dadka reer Somaliland ka soo gasha Xawaaladuhu waxay saddex jeer ka badan tahay Bajadka (Miisaaniyadda) dawladda Sannadkan…”
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Samaale
Hargeysa, 07 August, 2014 (Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa furay kulan uu soo qaban-qaabiyey Baanka dhexe oo lagaga hadlayey Xeer cusub oo lagu hagi doono Shirkadaha Xawaaladaha Lacagaha ee dalka ka hawlgala, isla markaana lagu xakamaynayo Lacagaha been-abuurka ama foojariga ah.
Kulankaas oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ka sokow Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Baanka dhexe, Wasiirrada Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka, Arrimaha Gudaha, Masuuliyiin kale oo ka kala socday Laamaha kala duwan ee dawladda, qaybaha Baanka dhexe, Masuuliyiinta iyo Maamulayaasha Xawaaladaha Somaliland ka hawlgala, Saraakiil ka socday Baanka Adduunka, Hay’adaha caalamiga ah qaarkood iyo Marti-sharaf kale.


Waxaanu Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, wax alla wixii sharciga ilaalinaya annagu diyaar baannu u nahay haddaannu nahay Shirkadaha ka shaqaysta arrimaha Lacagta ama dibedda ka keena, waanan soo dhawaynaynaa hawsha ay dawladdu waddo iyo Hay’adaha kale ee caalamiga ah sida Baanka Adduunka iyo kuwa kale ee Shirka ka soo qayb-qaatay ee doonaya wax allaala wixii loo baahan yahay in la qabto.”
Cabdirashiid Maxamed Siciid waxa uu sheegay in dunida ay ka shaqeeyaan maalin kasta Shuruucdu is-beddeli karto, waxaanu yidhi; “Waad la socotaan oo waddamo badan oo aannu ka shaqayno Xeerarku way ka yaallaan, Xeerka ama Sharciguna maalin walba wuu is-beddelaa, toddobaadkan oo ugu dambaysay dawladda Maraykanka Golaha Senate-ku waxa uu gudbiyey Sharci cusub oo la xidhiidha Lacagaha Xawaaladaha ee dibedda loo diro. Markaa, runtii annaga arrintani maaha mid nagu cusub markaannu caalamka ka shaqaynayno, waanan soo dhawaynaynaa in dawladda, Bangiga dhexe iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ay arrimahaas iska kaashanayaanba, wax alla wixii ummadda dan u ahi annagana waa noo dan.”
Cabdirashiid Maxamed Siciid waxa uu ka codsaday dawladaha iyo Bangiyada caalamka inaanay joojin wixii fududaynaya shaqada ay Xawaaladuhu u hayaan Bulshooyinka Soomaalida ah, waxanau yidhi; “Waad arkayseen sidii ay Wasiirradii iyo dadkii kala duwanaa ee Shirka ka hadlay Lacagta dibedaha ka timaaddaa dhaqaalaha waddanka qaybta weyn ee ay ka ciyaarto, ama la odhan karaba waa laf-dhabarta dhaqaalaha waddanka. Bangiyada caalamka iyo dawladaha caalamkaba waxaannu ka codsanaynaa wax allaala wixii fududaynaya in lacagahaasi aanay istaagin ee dadkaa u baahan ee ku nool ay gaadho ayaannu mar walba ka codsanaynaa.”

“Waxaa xusid mudan inaynu halkan ka sheegno sida loo ilaaliyo nidaamka Xawaaladuhu ku shaqeeyaan, dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha gudaha oo masuul ka ah ilaalinta Sharciyada dalka iyo ka-hortagga dembiyada ku iman kara xasilloonida dalka, dhaqaalaha iyo bulshada inta-ba. waxaannu la leenahay Hay’adaha Maaliyadda, sida Xawaaladaha wada-shaqayn dhaw mid muuqata iyo midaan muuqan labada-ba.” sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
Waxaanu Waran-cadde oo sii sharraxaya waxa uu uga jeedo shaqo dadban iyo shaqo toosa uu yidhi; “Waxaan uga jeedaa taas waxaannu leenahay wada-shaqayn toos ah oo aannu kula soconno sida ay u habeeyaan ama ay u gudbiyaan Lacagaha dibedaha ka yimaadda ama cidda ay siiyaan oo ay si toos ah noogaga warbixiyaan iyo kuwo aannu awoodahayaga kale ee aannu leenahay ku helno si aannu isugu eegno ama isu-barbar-dhigno Warbixinaha aannu iyaga ka helno iyo kuwa aannu annagu si toosa u helno.”
“Faa’iidooyinka ay Xawaaladuhu dalka u leeyihiin Qaranka Somaliland 1- Waxa ugu horreeya, dadka Somaliland 70% waxay ku nool yihiin Lacagta ay soo diraan Qurba-jooggu. 2- Wax Saldhig gaar ah u yihiin Dhaqaalaha dalka. 3- Waxay Xakameeyaan Sicir-bararka. 4- Waxay ka qayb-qaataan horumarka dalka. Dhammaan intaasi waxa weeye faa’iidooyinka aynu ka hayno Xawaaladaha dalka.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Samaale oo ka hadlayey oo faraqa u dhexeeya Lacagta Xawaaladaha dadka reer Somaliland u soo marta sannadkii iyo Miisaaniyaddii ugu badnayd ee Somaliland yeelato ee 2014, waxa uu yidhi; “Lacagta dadka reer Somaliland ka soo gasha Xawaaladuhu waxay saddex jeer ka badan tahay Bajadka (Miisaaniyadda) dawladda, waa lacag badan runtii oo nolosha dadka iyo dawladda-ba ka ah laf-dhabar iyo halbawle. Hadday Miisaaniyadda Qaranka ee 2014-ku tahay Boqolo iyo Laba iyo Konton Milyan (oo Doollar) waxa Lacagta Xawaaladda ee sannadkii soo gasha dadkeenna Miyi iyo Magaala-ba ay ka badan tahay Saddex Boqol iyo Konton illaa Afar Boqol oo Milyan oo Doollar, Lacag badan weeye.”
“Lacagtaasi waxay gashaa nolosha dadka dhinac walba, Caafimaad, Waxbarasho, Waddooyin, Ganacsi iyo dhan walba ah, waana hanti iyo lacag ummadda reer Somaliland ee dibedaha joogaa ay siiyaan dadkooda. Wasaaradda Maaliyadda Lacagtaasi si dadban bay ugu soo gashaa, xil ay Wasaaradda Maaliyaddu ay lahayd oo Maaliyadeed oo ku cuslaa ayay Xawaaladuhu gutaan iyagoo nolosha dadka door weyn ka qaadanaya. Cashuur dadban baa naga soo gasha iyo tu dadban-ba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Samaale.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uuu sheegay in Lacagta Xawaaladaha loo aayo wakhtiyada ay dhibaatooyinku jiraan sida Abaaraha iyo waxa la midka ah ee Gurmadka la galayo iyo dhinacyo badan oo nolosha Aadamaha la xidhiidhsan, isagoo xusay inaanay wax badani dalka iyo dadka Somaliland u socdeen haddii aanay jirin Xawaaladuhu, waxaana meelaha uu taabtay Wasiir Sameel ka mid ahaa inay Xawaaladuhu Shaqo-abuurka qayb ka yihiin, isla markaana Shaqaalaha dawladda u shaqeeya iyo kuwa Xawaaladaha u shaqeeyaa tiro ahaan isku dhadhaw yihiin, oo weliba ay Shaqaalaha Xawaaladuhu ka Mushahar badan yihiin Shaqaalaha dawladda u shaqeeya, mid muhiimad weyn dadka iyo dalka u leh. Waxaanu soo jeediyey in haddii qalad kooban oo ay Xawaaladuhu leeyihiin jiro in meel walba adduunka qalad ka dhaco, hase-yeeshee, loo baahan yahay inaan qaladkaas loo dhibaataynin ee la eego boqolkiiba 99-ka saxda ah iyo Bulshada boqolkiiba boqolka in ku dhaw ku nool adeegyada ay Xawaaladuhu hayaan.

“Shirkadaha Lacagta inna soo gaadhsiiyaa waxay u baahan yihiin adeeg iyo iskaashi Bangiyada caalamka ah. Sidaynu ka war-qabno waxa beryahan dambe Baananku waxay bilaabeen inay ka xidhaan Xisaabaha ama Akoonnada ay ku lahaayeen Shirkadaha Soomaaliyeed ee dibedda Lacagaha ka soo Xawila dalal badan oo ka mid ah caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay Xididdada Nolosha oo la gooyo, cawaaqib-xumo badanina ay ka dhalanayso, waxaanay keenaysaa dhaqaale-burbur, dayac, dib-u-dhac dhaqaale iyo wax sharciga baal-marsan oo saameeya ummadda Somaliland oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment