Wednesday, August 6, 2014

Kulan lagu Dhiiri-gelinayo Wax-soo-saarka iyo Isticmaalka Kalluunka oo lagu Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa, 06 August, 2014 (Himilo)- Munaasibad lagu dhiirri-gelinayo wax-soo-saarka Kalluumaysiga dalka oo gebo-gebo u ah mashruuc baanka Adduunku maal-gelintiisa bixiyey, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

DAAWO: Barnaamij Ku Saabsan Dhiirigalinta Ka Faa’iideysiga Khayraadka Badda SomalilandKulanka dhiiri-gelinta dhinaca wax-soo-saarka Kalluumaysiga ah oo hal-ku-dhiggiisu ahaa ‘Kalluunka u isticmaal Caafimaadkaaga iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka’, oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Kheyraadka Badda Somaliland, waxa qayb-galay Masuuliyiiinta ugu sarreysay Wasaaradda Kalluumaysiga, Saraakiil ka socotay Bangiga adduunka, Marti-sharaf kale iyo Ururka SOFRECO oo fuliyey mashruuc muddo laba bilood ah la tiijaabiyey oo baanka adduunku maal-gelintiisa bixiyey.

Kulanka dhiirri-gelinta wax-soo-saarka Kalluumaysiga oo shalay lagu qabtay Lake Assel Restaurant ee magaalada Hargeysa, waxa hadallo kooban ka jeediyey Wasiirrada Kalluumaysiga iyo Cadaaladda oo labadooduba tilmaamay muhiimadda uu dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka dhalinyarada u leeyahay ka-faa’idaysiga kheyraadka dihin ee baddeena ku jira, iyaga oo tilmaamay tallaabooyin suurta-gal ka dhici in bulshadu qabatinto isticmaalka kalluunka isla markaana wax-soo-saarkiisu shaqo abuur u samayn karo dad badan oo bilaa camal ah.

Saraakiil ka tirsan Baanka Adduunka oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa halkaas ka soo jeediyey talooyin iyo tusaaleyaal ay ku iftiimiyeen sababaha ay maal-gelinta iyo xoogga u saareen qaybta kalluumaysiga, iyaga oo sheegay in kalluunka ka mid yahay kheyraadka inta badan bulshada waddamada soo koraya ay lumiyaan inay ka faa’idaystaan.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno ka tirsan ururka fuliyey mashruuca tijaabada ah ee wax-soo-saarka kalluumaysiga, waxaanay tilmaameen waayo aragnimo iyo natiijo wax-ku-ool ah oo ay ka kasbadeen muddadii ay ku gudo-jireen mashruuca tijaabada ah oo sida ay sheegeen lagu guulaystay wejigiisa hore.

Si kasta ha ahaatee, waa markii u horeysay ee munaasibad noocan ah lagu soo bandhigo baahida dhaqaalaha dalka iyo dadkuba u qabaan ka-faa’idaysiga kheyraadka dihin ee ku duugan badda Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment