Ardayad lagu magacaabo Halij Black oo ku nool waqooyiga deegaan ku yaala gobolka Alabama ee dalka maraykanka ayaa laga soo saaray dugsi waxbarasho sare oo ay markaasi bilawday waxbarashadiisa kadib markii ay kasoo gudubtay dugsi hoose oo ay muddo soo dhiganaysay waxaana maamulihi dugsiga cusub uu ku amray ardayada inay ka baxdo fasalka waxbarashada midabka timaheeda oo casaan ah awgeed.
Dugsiga ay gabadh ardayada ahi waxbarashadiisa bilawday oo muddo laba cisho oo kaliya ay waday markii laga soo caydhiyey oo lagu magacaabo Muscle Shoals ayaa maamulihii dugsiga ka masuulka ahaa waxa uu ku wargaliyay inay dibada uga baxdo schoolka maadaama midabka timaheedu cas yahay, isaga oo u maleeyay inay isticmaashay midabada lagu badalo midabka dabiiciga ah ee timaha, waxaana ardayda markiiba ay toos u tagtay gurigooda si ay waalidkeed ugu wargaliso arrinta lasoo daristay.
Hooyada dhashay inantan yar ayaa sheegtay inay aad u walaacday markii ay aragtay gabadheeda yar oo dugsiga kasoo noqotay goor hore oo aan ahayn xilligi ay caado ahaan kasoo rawixi jirtay dugsiga “ waxaan dareemay cabsi badan waxaanan isweydiiyay waxa ku dhacay Black maadaama ay goor hore guriga kusoo noqotay, waxase ay ii sheegtay iyada oo ooyaysa in maamulihii dugisga uu kasoo saaray fasalka isagoo ku sababeeyay erigeeda midabka timaheeda ee caasanka ah’’.
Hooyada dhashay inantan yar ayaa waxay sheegtay in inanteedii ay si dabiiciyan ah ugu dhalatay midabka casaanka ee timaheedu leeyihiin, sidaasi awgeedna ay ku soo dhamaysatay waxbarashadeedii hoose midabkan waxaanay sheegtay inay arrintan ama dhacdada inanteeda lagu sameeyay ay u gudbisay guddida waxbarashada ee gobolka ay ku nooshahay taas oo hadii ay cadaato dacwad ku keeni karta maamulaha dugsiga.
Dugsiyada ku yaala gobolka ay dhacdadani ka dhacday ayaa inta badan dabagal ku sameeya hanaanka waxbadelka ee ardayda waxaana badanaa waxbarashada laga joojiyaa haweenka badaley qaabka dabiiciga ah ee timahooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment