Maansadan waxa la yidhaahdaa QASA, waxaanay ka hadlaysaa sida magaceeda ka muuqata dhibaatada, duqaynta iyo gumaadka ay Yuhuuddu ku hayso dadka reer Falastiin. Waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaanay ifka u soo baxday maansadani 04/08/2014.
Baqaha ma taqaan kashaydu
Xaashee mana baraq nuglaanin
Bilaale ibriiq ma moodin
Xaqana kama biqin odhaahe
Sidii utun beer ku taalla
Waxaa boog igu samaysay
Qasaay waa baylahdaada
Banbaanaha kugu dhacaaya
Barbaartaa kugu dhammaatay
Maatadaa lagu beegsanaayo .
Badday xidhay inoo dhaxaysa
Buurahaa hakadkaygu keenay
Inaan kuu soo baqoolo
Haddaan barta aad ku taallo
Haddaan beleddada agtaada
Haddaan Balastiin ku noolay
Billaawaha maan gafeene
Dhulkaa baac iga fogaaday.
Hadday boqoradii carbeed
Sidii baraar saylad yaalla
Galbeed kala baayacaayo
Hadday ka baxeen bahdaada
Haddii Masar loo baryaayo
Sebiga biyo lagu habaayo
Ilmaha basanbaasku haysto
Cuntiyo dawadii bukaanka.
Adduunyadan baaxaddaas leh
Baawarka nimankaa ku faana
Buruudkiyo xoogga sheegta
Ninkii baal mara dantooda
Ku baaqa muquunintiisa
La booba cuno-qabatadiisa
Boqollaal maydkaaga dhaafay
Burburka sarahaaga daatay
Bini’aadannimo daa warkeede
Iyaga bayr kuma abuurin,
Baraakna codkaa ka yeedhay
Maraykan badheedhihiisa
Hadduu Yuhuud baasha saaray
Buunbuuniyay inay xaqooda
Iska baacinayaan caruurta
Baxnaano kuwaad filaysay
Haddii dhinacood bannaanyay
Talada boqorkaa u dhiibo.
Belaayada laguma waaro,
Dhibtiyo burburkiyo halaaggu,
Bunduqu dhaxalkaaga maaha.
Aqsiyo Baytulaxam dhacooda,
Yuhuudi ku badhaadhi mayso,
Sidii Boqorkeenba sheegay,
Guuliyo barkhad baa xigaysa.
Adaa Boqoroow maqlaaya,
Adaan baaq laguu diraynin,
Adaa ka bogtoo arkaaya,
Waxaa hoog iyo ba’ haysta,
Hooyada baroortiyo catowga,
Miciin iyo awood bidaysa,
Gurboodka boggood dillaacay,
Baaniyo dawadiiba waayay,
Aday baryadiyo dhawaaqa,
Aday birmad kaaga tuugaan.
Adaa Baasidoow awood leh,
Halkii bugta adaa bogsiiya,
Qofkii baahanna wax siiya,
Qofkii ku baryana ajiiba,
Qasiyo Balastiin dhibkooda,
Adaa baaxadloo karaaya,
Inaad beddeshood ka qaaddo,
Gumaysiga barriinsaanaya,
Yuhuuddana baaba’eeda,
Jabkiyo hooggiyo ba’eeda,
Basiiroow adaa karaayee,
Allow beritaba ka yeel.
Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin
Email: qalinbila01@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment