Monday, August 4, 2014

Madaxweynaha Kenya Oo Bannaanka Keenay Sababta ay Ciidankiisu Somalia uga Dhex dagaallamayaan

Nairobi :Aug,04,2014(Himilo)-Kenya ayaa  Mar kale ka Hadashay Sababaha keenay inay Ciidamadeedu ka dagaallamaan Gudaha Dalka Somalia ee ay Deriska yihiin.

uhuruMadaxweynaha dalka Kenya Uhuru ayaa sababta uu dagaalka Somalia dhexdeeda uga wado ku sheegay inuu diiddan yahay in kooxda Al-shabaab ay awood buuxda yeelato sida kooxda ka dagaallant dalka Nigeria ee loo yaqaano Boko xaram.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowlada Kenya ay ka go’antahay xaqiijinta ammaanka dalka Kenya iyo la dagaalanka dhaq dhaqaaaqa Shabaab si wadanka ugu dhaqaalaha badan dalalka geeska Africa ee Kenya aanay saamayn ugu yeelaan weerarada ay Al-Shaabab ka fulinayaan wadanka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa  xusay in haddii uu qaato dalabka axsaabta Mucaaradka ee Kenya ay dalbadanayaan in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya ay ka dhici karto dalka Kenya in Al-Shabab sida Urur dimeedka Boko haraam oo kale ay laf dhuun gashay ku noqdaan dalka Kenya.

 

Ciidamada Kenya ayaa soo galay dalka Soomaaliya sanadkii 2011 si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaaab oo Kenya xiligassi ay ku eedeysay in ay masuul ka aheyeen weeraro iyo afduubyo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka Kenya walow AL-Shabaab ay iska fogaysay arinkaasi.

Al-shabaab ayaa dhankeeda gudogalka Kenya kaga jawaabtay weerraro laxaad leh oo ay gudaha Kenya ka fuliyeen, waxana ay si weyn u wiiqeen dhaqaalihii Kenya ka heli jirtey dhinaca dalxiiska, iyagoo laayey tiro badan oo ka mid ah Dad dalxiisayaal u dhashay dalalka yurub iyo Maraykankaba.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment