
Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Khudbad ka jeediyay Qalinjabinta Maanta isagoo u Mahadceliyay Madaxda Jaamacadda Camuud una Hambalyeeyay Ardayda Maanta Ka Qalin Jabiyay jaamacadda Camuud.
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleban Ahmed Guuleed ayaa siddoo kale u hambalyeeyay Ardayda waxaanna uu siddoo Kale Ka Xog Warramay Taariikhdii Jamacadda Camuud iyo Hiigsiga Cusub ee Jaamacadda Camuud.
Waxa uu Madaxweynuhu Ardayda Qalin jabisay ku waaniyey inay dalkooda Aaminaan oo ay u diyaar garoobaan sidii ay naftooda iyo waalidkii kusoo tabcayba u anfici lahaayeen, isla-markaana ugu dedaali lahaayeen ka midho-dhalinta Himiladooda.
Madaxweynaha ayaa xilliyadii dhalinyaradiisa ka mid ahaa Da’yartii wax ku baran jirtey Xarunta ay Haatan ka dhisan tahay Camuud oo xilligaas ahayd Dugsi Sare, waana meelaha xusuusta gaarka ah ku leh mudane Siilaanyo oo haatan gaadhay Heer Madaxweynenimo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment