Saturday, August 9, 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maraykanka Lagaga Mudaharaaday

Minneapolis:Aug,09,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somalia iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa xalay lagaga mudaharaaday Gobolka Minnesota ee Carriga Maraykanka.

mudahHuteel uu Madaxweynuhu deggen yahay ayaa ay dadweyne Fara Badani iska soo horbuuxiyeen, kuwaas oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Siyaasadda uu Dalkiisa ku Hoggaamiyo.

Banaan baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayada “Dooni meyno Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” maadaama ay sheegeen in uu ku fashilmay sida Amniga, Dib u heshiisiinta, Cadaaladda iyo waxyaabo kale oo badan oo Dadka ay soo hadal qaadayeen.

Boqolaalka Ruux oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Dibadbaxani ballaadhnaa ay ka dhigeen Hoteel uu Madaxweynaha Soomaaliya ka deggay Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka.

Saadaq C.laahi Cabdi oo ka mid ah Banaan baxayaasha oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay Dadka isugu soo baxay Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka in ay ka soo horjeedaan Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana ay ku baaqayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uu Madaxweyne Xasan Xilka isaga casilo.

 

Saadaq C.laahi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in uu fashilmay isku day ay doonayeen Safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Mareykanka iyo Itoobiya ay ku doonayeen in ay ku hakiyaan Banaan baxii Xalay looga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya kaa soo ka qabsoomay Magaalada Minneapolis , Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment