“Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”
Qaybteenan labaad ee maqaalkan aan u bixiyey muddane ma i maqashaa oo ah warqad ku socota xukuumada uu madaxweyne Axmed Silaanyo garwadeenka ka yahay iyo Xukuumadaha ka dambeeya ee Maamulka dalka soo hunguraynaya in ay ku dhaqmaan oo ay fuliyaan Xeerarkan ku qoran dastuurka, taasoo aan ku caddaynayo haddii xeerarkan heshiiska lugula galay dadka ee shacabka Somaliland u codeeyeen in dalka lugu maamulo, hadii sidii loogu talo galay u fuliyaan in wax badan oo imaka shaki iyo tuhun leh ay ka bixi lahaayeen.
Qodobka 12aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Cadaynayaa Hantida-Guud, khayraadka dabiiciga ah iyo waxsoosaarka waddaniga ah, hadaba qodobkan oo inta ka-suurto gashay ay tahay in aad u yar, ayaa waxa shaki ku abuuray bulshada Somaliland in khayraadka dalka oo ahayd in muwadiniinta u dhashay waddanku ka faa’iidaystaan kana shaqaystaan in ay tuhun iyo shaki ka qabaan in Hay’adahan waddanka jooga ee ku shaqada leh deegaanka iyo baadhista shidaalku inay sitaan qalab ay ku xaalufiyaan macadantii dhulka isla markaana in dawladu u ogolaatay dad shisheeye ah in ay ka gurtaan khayraadka badda ee ah kalluunka iyo noocyadiisa kala duwan.
Muddane qodobka 18aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadanayaa “Deegaanka iyo Wax-ka qabashada Aafooyinka”, sanad walba waxa dalkeena ka dhaca abaaro joogto ah, taas oo keenta in bulshada dalkeenu gaar ahaan xoolo dhaqatada iyo beeralaydu dhib weyn u gaysta, taasna laga dareemo Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo laga dareemo suuqyada busaarad iyo lacag la’aan ka dhacda.
Muddane sida uu qeexayo xeerkani waxa uu u dhiganyahay “Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada,cuduradda faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talagal” Sanad walba waxa dooxyada iyo togoga dalkeena mara biyo aad u faro badan oo ka faa’iidaysiga qarankani uu aad u yar yahay, misana laba cisho gudahood biyo la’aan aanu ka joogno, iskadaa tuulooyinka iyo hawdka durugsan ee xitaa magaalooyinkii waaweynaa ee caasimadii Hargaysa ka mid tahay ay biyo la’aani soo food-saarto, Hadaba bal malee muddane hadii biyahan laga faa’iidaysto oo la xidho dhaammam biyo qabtin ah faa’iidada ay bulshada iyo qaranka u yeelan karto, bal malee beeraha iyo waxsoosaarka laga qabsan lahaa, bal malee oo xitaa biyahan la qabtay wax laga dhalin karaa dabka (korontada).
Haddaba mudane sidan uu qodobkani caddaynayo maxay xukuumada iyo dawladu mawqif ku talogal ah uga soo saari weyday arrinkan, mise xeerkan Dastuurka ku yaal lamaba akhriyin.
Muddane sida uu Dastuurku sheegayo “Dawladu waxay dhiiri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah” Hadaba qodobkan muhiimka u ah bulshada iyo dawladu wax uu noqonayaa xeer aad u muhiim ah oo ku dhaqankiisu uu umadda u horseedi lahaa horumar iyo dhaqaale ay helaan, laakiin hadii dhamaan khayraadkii waddanka lugu wareejiyo sharkado shisheey ah, waxa sii yaraanaya runta iyo xaqiiqada ah in guul laga gaadho oo laga dhabeeyo horumarkan beeraha, kalluunka iyo macdanta ee uu dastuurku sheegayo.
W/Q: HAMSE BASHE MUHUMED
Student at Alpha University College
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargaysa Somaliland
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment