
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo markii uu dhammaaday kulanka ay la qaateen Danjire Nicholas Kay, warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamaanka, ayaa sheegay waxyaabaha ay ka wada-hadleen Ergayga Qaramada Midoobay ay ka mid yihiin muranka dhinaca xuduudda ee ka jira gobollada Bariga Somaliland iyo sidoo kale kooxda la baxday Khaatumo oo uu sheegay inay u caddeeyeen mawqifka ay dawladdu ka taagan tahay.
“Waxaanu u sheegnay Golaha Guurtida habkii uu u soo aasaasmay iyo hawlaha uu qabto iyo hawlaha uu qabto ee waajibaadkiisu yahay iyo baahiyaadka uu Golahani u baahan yahay in laga gacan-qabto ama laga caawiyo.
Waanu u sheegnay Somaliland siday ku soo aasaantahay iyo halkay marayso. Waa lagala hadlay xuduudaha iyo dhibaatooyinka ka jira halkaas (gobollada Bariga), meelaha yar-yar oo la samaystay (Kooxda Khaatumo) iyo Somaliland mawqifka ay ka taagan tahay,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Siciid Maxamed.
Dhinaca kale, Danjire Nicholas Kay waxa uu la kulmay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana natiijada kulankaas iyo waxyaabihii lagu wada-hadlay lagu faahfaahiyey war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska xoghaynta Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.
“Kulankan oo ahaa mid arimo farabadan laysla soo qaaday ayaa waxaa furay shirka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxman maxamed C/laahi (Cirro) oo kala hadlay Qadiyadda Somaliland isaga oo carabka ku adkeeyay in aan marnaba arrinta Somaliland Madaxbanaanideedu ay tahay mid aan inaba wax gor-gortan laga galayn.Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu u waramay in Somaliland ay hayso wadada horumarka iyo Dimuquraadiyanta taas oo loo baahanyahay in kor loo sii qaado. Waxa sidoo kale uu sheegay in ay jiraan arimo u baahan in wax laga qabto oo Somaliland hada culays wayn ku ah taas oo ay kamid tahay shaqo la’aanta dhaliyarada Somaliland. Xaga nabadgelyada ayuu sidoo kale Gudoomiyuhu sheegay in ay u baahanyihiin in UN-tu wax kala qabato. Sidoo kale arinta doorashooyinka ayuu sheegay Gudoomiyuhu in ay Somaliland ka caawiyaan oo ay u soo diraan Goobjoogayaal,” ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay kulanka dhexmaray Nicholas Kay iyo shir-guddoonka Golaha Wakiillada.
War-murtiyeedku waxa kale oo lagu sheegay, “Gudoomiyuhu waxa uu kala hadlay in khilaafaadka Xagga Xuduudaha ee ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamada jaarka ah oo uu sheegay in lagu dhameeyo sida ugu wanaagsan ee wada hadal ah. Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu ku u cadeeyay in ay taageersanyihiin wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo ilaa hadda arrimaha laga gaadhay ay ka mid tahay arrinta Xaga hawada taas oo hada dawlada Somalia ay ka baxday, Gudoomiyuhuna wuxuu u sheegay in loo baahanyahay in la hirgaliyo si ay wadahadaladu hore ugu sii socdaan Iyo in loo baahanyahay in la balaadhiyo kasoo qayb galayaasha shirarka sidii ay markii horeba ku bilaabmeen taas oo ay kasoo qayb gali jireen wadamo kale meesha shirka lagu qabanayo.”
Sidoo kale, Waxa hadal mawqif xambaarsan ka jeediyey kulanka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiillada Cali Yuusuf oo sida lagu sheegay qoraalka lagu faahfaahiyey natiijada kulanka, Danjire Nicholas Kay u soo bandhigay mowqifka madaxbannaanida Somaliland iyo farqiga dhismaha dawladnimo ee wakhtigan u dhexeeya dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo kulanka ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey qaab-dhismeedka xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM iyo qorsheyaasha wax-qabad ee Qaramada Midoobay ugu talo-galay taageerada ay siiyaan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal-saxaafadeedka ka soo baxay kulankaas. “Intaas kadiba waxaa hadalka lagu wareejiyay Madaxa hawlgalka Qaramada midoobay ee Somalia/Somaliland kaas oo ugu horayn sheegay in Xafiiskiisu uu leeyahay laba qaybood; qaybta siyaasada iyo qayb bini’aadam nimo. Waxa uu sheegay in qaybta siyaasaddu anaanay ka shaqaynin Somaliland, balse UN-tu ay Somaliland joogtay muddo aad u dheer isla markaana ay Somaliland kala shaqaynaysay arimaha bini’aadamnimada. Waxa uu sheegay in UNSOM ay leedahay qaybo faa’iido u yeelankara Somaliland oo ay doonayaan inay kala shaqeeyaan sida: Arimaha Gender-ka, Saxaafada, Arimaha Bini’aadamnimada, Dhismaha hay’adaha Dawladeed, Nabadgelyada, Cadaalada, Police-ka.”
“Nicolas Kay wuxuu ku aammaanay Somaliland nidaamka dimuquraadiyadeed ee ka jira oo uu sheegay inay tusaale u tahay waddamo farabadan oo ay Soomaaliyana ku jirto. Waxa uu sheegay inay dhiirigalinayaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia, kuna dadaali doonaan in arimaha kasoo baxa in la fuliyo. Sidoo kale waxa uu sheegay inay dhiirigalinayaa wadahadalada Turkiga dhawaan in dhakhso loo bilaabana ay ka shaqaynayaan isagoo sheegay in arinta Gudoomiyuhu ka dhawaajiyay ee ah in la balaadhiyo goob joogayaashana laga hadli doono,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka laga soo saaray kulanka dhexmaray Danjire Nicholas Kay iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.
In kasta oo Danjire Kay kaga dhawaajiyey in wada-shaqaynta uu xafiiskiisa la yeelanayo Somaliland ku koobnaan doonto arrimaha bani’aadamnimada, haddana waxyaabaha uu kala hadlay Goleyaasha Baarlamaanka waxa qayb ka ah Arrimo siyaasadeed oo ay ku jiraan Kooxda la baxday Khaatumo ee dhowaan shirka ku qabsatay deegaanka Saax-dheer.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment