
Xisbiga UCID waxa uu qoraalkiisa ku xusay god-dalooloyin ka jira hannaanka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya oo sida ay sheegeen ay qabaa’ilo danahooda gaar ahaaneed wataa duullaan ku yihiin Soomaalida inteeda. Waxaanay qoraalkooda ku soo gunaanadeen qodobbo ay ugu baaqeen Qaramada Midoobay inay xal ugu heli karto dhibaatooyinka ka taagan dalkaasi Soomaaliya.
Warqadda furan ee xisbiga UCID u diray Danjire Nicholas Kay, ayaa u qornayd sidan:- “Tan Iyo Intii La Riday Rajiimkii Milliteriga aha ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991, isla markaana Shacbigii Gobolladii Woqooyi go’aansadeen Gooni-Isutaaga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Intii ka dambaysay burburkii Dawladdi Somalia, waxaa ilaa hadda ka taagan Fawdo siyaasadeed, dagaallo hubaysan, budhcad badeednimo Iyo xagjirnimo xagga kooxaha diimaha, oo dhammaan sababay macaluul joogto ah, gobolaysi ka jira beelaha iyo dowlad la’aan, waxana awooddii gacanta u gashay Hogaamiye Qabiileedyo, Hogaamiye Diimeed Iyo qabqableyaal dagaal oo aan arxan u lahayn shacbigooda halisna ku ah ammmaanka waddamada geeska Afrika, isu socodka badaha iyo nabadgelyada guud ee caalamka.
Tani waxay kalliftay in Soomaaliya loo aqoonsado hoyga ugu weyn ee Kooxaha argagixisada iyo budhcad badeedka caalamka, Waxaana gebi ahaanba burburay wax soo saarkii Beeraha , waxbarashadii, adeeggii bulshada iyo kaabayayaaashii dhaqaale ee dalka.
Dhanka kale, waxa si joogta ah u fashilmayey dedaalka beesha caalamka ee lagu raadinayo in la soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed iyo kan amni ee Somalia, Gobol kastana waxa goostay kooxo aan metelin shacbiga oo xoog ku haysta.
Qaladka ugu weyn ee bulshada caalamku samaysaa ilaa imikana ay waddaa waxaa weeye iyada oo indhaha ka lalisa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhulkii laysku odhan jirey Jamuuriyadda Somalia, taas oo run ahaan maanta ay jiraan laba Somaaliyeed sidii intii ka horeysay 1 july 1960: Jamuuriyada somaliland oo ah dal jira oo nabad ah,dimuqraadiya oo doorashooyinku si nabad galyo ah u dhacaan isla markaana leh baarlamaan la soo doortey, gole guurti iyo axsaab siyaasadeed iyo Somalia oo qasan
Bulshada caalamku waxay xoogga saartaa inay dib u abuurto midnimadii Somalia iyo Somaliland iyada oo kolba koox ugu yeedha dawlad Somaliyeed mar ay tidhaahdo waa ku meel gaadh iyo imika oo yidhaahdaan waa dawlad rasmiya wax natiijo ahna aan soo kordhin
Dadka Somaliland oo iskood u dadaaley, indhaha ayey beesha caalamku ka lalisaa,waxaana la qaadaa talaabooyin lagu mijo xaabinayo jiritaanka Somaliland,nabadgalyadooda iyo cuna qabateyn aney muteysan.
Qorshaha maanta ay waddo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo waddamada laysku yidhaahdo IGAD ee ah labada shag (ladagaalanka xagjirayaasha iyo samaynta dawlad fedaraal ah ) oo ka kooban 18 gobol ee Maxamed Siyaad Barre danaha gaarka ah u samaystey, waxay u muuqataa inay Soomaalidu ka dhaxli doonto dagaal cusub oo ku baaha Somaliland iyo Somalia, masuuliyadeedana ay qaadi doonto bulshada caalamka oo ay ugu horeyso Qaramada Midoobey.
Intii ka horeysey inqilaabkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare dalka waxaa ka jirey 8 gobol, oo laba ka mid ahi Somaliland ahaayeeen kuwaas (oo kala ahaa Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari) Soomaaliyana waxay ka koobnayd 6 gobol oo kala ahaa (Majeerteeniya, mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Sare iyo Jubada Hoose). Markuu qabsadey Maxamed Siyaad Bare waxaa uu samayey inqilaabkii ka dib 10 gobol oo uu ka soo dhex saarey 8 dii hore u jirey. Danta kaliya ee uu kalahaana ay aheyd in uu beeshiisa u sameeyo dagmooyin badan si ay uga soo baxaan xildhibaano badan isaga oo ku hamiyey in mustaqbalka xubnaha baarlamaanka Soomaalida in beshiisu boqolkiiba konton xubnood yeelato, Soomaalida inteeda kalena oo lagu qiyaasey boqolkiiba shan iyo sideetan ay yeeshaan boqolkiiba konton xubnood.
Arrimahaasi Iyo Sadbursigaasi waxay keeneen Jabhadihii Hubaysnaa Ee S.N.M Iyo U.S.C inay Samaysmaan, Waxaaney Horseedeen Burburkii Dawladii Siyaad Bare ee ilaa Imika Xal loo la’yahey
Hadda, waxaa muuqata inay bulshada Caalamku ay ka dhigatey Siyaasadeeda Ku waajahan Arrimaha Soomaaliya Iyo Samaynta (Federal Government ) tu Ku Fadhida Fikradii 18 Gobol Ahayd Iyo ROAD MAP Lagu Sameeyey Garowe islamarkana waxaa Muuqata In siyaasada maanta ee ay hagayso Qaramada Midoobey Iyo Waddamada IGAD ay tahey Siyaasad ay curiyeen Maamul Goboleedka Garowe, kana Dhaadhiciyeen Bulshada Caalamkana Isla Markaana Ku Saleysan tahey Himiladii Maxamed Siyaad Bare ee Laga Dagaalamey. Haddana ay Keeni Karto In Markale Muqdisho Iyo Hargeysa ay iskaashaadaan Si Looga Hortago Khatarta ku soo Socota ee la soo Maleegay Iyo Taageerada Quwadaha Shisheeye.
Sidaa Awgeed, Xisbiga UCID waxaa uu qabaa In aan Xalka Soomaalidu ku Jirin Dawlad Goboleedyo dusha Laga Saaro oo u Adegaya Beelo gaar ah oo gacan Ka Helaya Quwado Shisheeye Iyo Qaramada Midoobey Oo Wax Khalad Ah Loo Sheegay.
Ugu Danbeyntii, Xisbiga UCID wuxuu Soo Jeedinayaa In Xalka Soomaalidu Ku Jirto in:
1. Somaliland Laga Daayo Faro-galinta Iyo Mu’amaraadka laga Soo Maleegayo Debadaha, lagana Qaadaa Cunaqabateynta Siyaasadeed Iyo Dhaqaalahaba.
2. Somalia Lagu Celiyaa 6 Gobol ee hore U jirey, Xiligii Siyaad Bare Ka Horeysey Sidey yeeshay Dalka Kenya Markey Qaateen Distooraka Cusub ee Ay Ku Noqdeen 47 Gobol Ee Ka Horeyeey madaxweyne Daniel Arab Moy.
3. Beesha Caalamku Somalia Xal U Heshaa Iyada Oo gacan Ka Helaysa Somaliland la Sameeyaana Maamul u Gaar ah Somalia Italia.
4. Loo Wada Hadlaa Sidii Labada Dawladood siduu Qorayo Go’aankii Ka Soo Baxay Shirkii LONDON February 2012 .
5. Somaliland Loola Macaamilo De Facto State Xaqna u yeelataa In Aduunka La Macaamisho iyo Ururada Caalamiga Ah ee Dhaqaalaha Bixiya I.M.F Iyo World Bank, Isla Markaana loo ogolaadaa goob-Joogayaal IGAD,AU iyo UN-ba Passportkoodana Ku Safraan,” ayaa lagu soo gunaanaday Qoraalka xisbigu u diray Danjire Nicholas Kay.
No comments:
Post a Comment