“Qof Kasta oo Masuul ka ah dalka waxa xil ka saaran yahay qaranimada Somaliland iyo Qadiyada Ummadan’
Hargeysa (Himilo) Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan oo socdaal shaqsi ah ku jooga dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa kulamo la yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka Riyaad iyo Jidah isla markaana ku wargaliyey inay ka qayb qaataan dhaqaalaha loo ururinayo dhismaha wadada Ceeri-gaabo, taasoo jaaliyadahani u balan qaadeen inay ku darsanayaan lacag dhan $210,000 halka ganacsadaha Carbeed ee Al Jaabiri isna uu balan qaaday $50,000.
Wasiir Xirsi oo qoraal kooban oo uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay internetka ee la yidhaa GUUSHA.COM ayaa waxa uu kaga waramay kulanka uu la yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee Riyaad iyo Jidah iyo waxyaalaha uu kala kulmeyba ayaa u dhignaa sidan:-
“Kadib markaan dhamaystay safarkii Cibaadada ahaa ee aan dalkan sucuudiga u imi, waxaan bilaabay kulamo kala duwan oo aan la qaatay jaaliyada Somaliland ee Boqortooyada Sucuudiga ee magoolooyinka Riyaadh, Jidah Damaam, kuwaas oo aan is xogogaal waraysi dabadeed aan u bandhignay in ay ka qayb-qaataan horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashruuca weyn ee dhismaha waddada dheer ee isku xidhi doontaa Togdheer – Sanaag.
Waxaan si qoto dheer isaga waraysanay waddadan iyo sida ay halbowle uugu tahay horumarka dalka, kor-u-qaadida amaanka, Isku-gudubka bulshada iyo koboca dhaqaalaha

Sidoo kale waxaa qaadhaan lacageed oo dhan $50,000 USD “Konton kun” balan qaaday ganacsade Jaabiri, guud ahaan waxay isku tahay “$260,000 USD “Laba boqol iyo Lixdan Kun oo Doolarka Markaykanka ah
Waxaa hubaal ah in qarankeena Somaliland yahay qaran isku tashaday oo ku tashaday tallada Alle iyo tamarta dadkiisa, waana xaqiiq in aynu xaqiijin doono guulo badan oo horleh”.
Meel aad joogtaanba ku noolada sharaf iyo Cizi
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment