Madaxweyne Gaas ayaa saaka aroor hore ka amba baxay Magaalada Garowe, isagoo ku wahan addis ababa, waxana socdkiisa ku wehliyay Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow, waxaana garoonka ka sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kawada tirsan Maamulka Puntland.Madaxweynaha oo Garoonka kula hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii uu Dowlada Ethiopia ugal soo hadli lahaa Arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasada, Caafimaadka iyo taabagalinta Ciidanka Maamulka.
Sidoo kale, Madaxwayne Gaas oo la hadlaayay Saxaafada ayaa ugu dambeyntiina sheegay in safarkiisu uu qaadan doono muddo labo maalmood ah kadibna uu dib ugu soo laaban doono dalka.
Maamulka Puntland ayaa dhawr jeer ka dhega-adaygay dalabyo ka yimi dhinaca Dawladda Federalka Somalia, waxana taasi keentay In madaxda Somalia si weyn uga cadhooto dhaqdhaqaaqyada uu maamulkaasi ku hawllan yahay oo ay ugu weyn tahay muranka uu ka keenay maamul u samaynta Deegaanno ka mid ah Gobolka Mudug.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment