Thursday, August 14, 2014

Sheeko Gaaban: MARDHOOF!-W/Q. Mukhtaar Cabdi Sheekh ”Bulshaawi”

Korodhsiga aqoonta, baadidoonkeeda, raadinteeda iyo u socdaalitaankeeda halka aad ku tuhmayso inaad ka soo faa’iidaysan kartid aqoon heerkeedu ka sarreeyo deegaanka aad ku nooshahay waxay sababtaa inaad ka hayaantid dhulkaaga una hayaantid dal, dad iyo duunyo kale oo aanad aqoon badan u lahayn.  Waxaa ku soo gaadh gaadhaaya hadalo duul duul ah ama kutidhikuteen ah oo laga yidhi dalkaas aad u socotid amaba jidka safarka aad u sii mari doontid, haba ahaado, inaad gaadhi, diyaarad ama markab u raacdid socdaalkaagas cusub’e.

Ardaynimadu waa il dheeri, u fiirsasho, fahan iyo faaqidaad waxaad haysatid se haddii ay inyar oo cadkii dhallinyarannimo ku raaco waa inaad wax badan il duuftid. Xamse waa wiil dhallinyaro ah oo dhammaystay dugsiga sare, hammigiisa iyo higsigiisuba waa inuu helo waxbarasho dibadeed oo ka tayo wanaagsan tan dalka. Wuxuu u xammaan urursaday inuu socdaalkiisa ku jiheeyo dhul,dal, dhaqan, diin iyo dad shisheeye oo aynna waxba waddaagin.

Dhawr qof oo uu la xidhxidhiidhay kadib, waxaa u suuro gashay in loo soo saaro warqada ogolaanshiyaha jaammacada uu ku biiri doonose aan loogu soo dirin Email ama DHL ahaan. Markii la ogaysiiyay in hawshiisu dhan tahay ayuu u socdaalay Itoobiya si uu u dalbado sharciga waddan ku galka (Visa) kaas oo aanu aqoon badan u lahayn.

Dheefta, dhaxalka, iyo dheecaanka laga muudsaday burburkii dawladnimadda ummadda Soomaaliyeed wuxuu noqday musuq, mukhalas, marin habow iyo maan guracan, sidaas darteed, Xamse waxa loo sheegay inaanu safaarada toos u tagin ee uu  la xidhiidho nin mukhalas ah oo lacag dhawr boqol oo doolar ah qaata. Muu diidin mannuu hubsan ee raqamkiisa ii qora iyo halkaad joogtaa ayaa ugu xigtay.

Dhawr cisho kadib waxa loo soo saaray sharcigii dal ku galka ee loo dalbay. Muu fadhiisan ee haddana diyaarad ayuu markiiba baadidoonay, loo sheeg inuu tigidhku qaali yahay wakhtigan ee dhawr cisho yara sugo. Maalmo dabadeed, wuxuu diyaarsaday boorsooyinkiisii iyo agab wixii uu u baahna maddaama oo uu maqnaanayo muddo sannado ah.

Wadnaha ayaa dhug…dhug…dhug leh oo uu ka fadhiisan kari la yahay waayo waa nin huba inaanu dariiqii saxda ahaa u marin sharcigan uu sito, maa lagu soo celin doona mise waad nabad tagi doonta ayaa ka dhex guuxaysa. Wuxuu ka helay hoolka weyn ee garoonka laba wiil oo Soomaali ah kuwaas oo u socday waddanka uu Xamse u socdo. Lays gacan qaad laysna warraysay, wakhtiga diyaaradu kacayso oo dhawr saacadood ka hadhsanaayeen darteed laysla waafaq in shaah iyo sharaab la dalbado.

Nin aan dhul marin dhaayo u la’. Halkan waxa ka bilaabantay dhibkii Xamse kala kulmay mar dhoofnimada. Shaqaalaha gagida diyaaradaha iyo isaga waxa dhex martay sheekadan…

Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa ku tidhi ‘’Soo dhawaw, ii dhiib baasboorkaaga inna tus sharcigaaga dal ku galka ee aad sidatid (Visaha)’’ ‘Maxaad tidhi…yaa’ Intay soo kacday ayay gacanta kaga qaaday baasaboorka waxaynna weydiisay ‘’ Halkaad u socotaa iyo maxay tahay ujeeddada socdaalkaagu? Waase ka jawaabi kari waayay. Hubin iyo hubsasho dheer kadib waxa caddaatay in sharciga dal ku galku saxan yahay waana la sii daayay.Markuu intaas ka gudbay ayuu gudaha u galay diyaarada waxaana markiiba maskaxdiisa ku soo dhacday sheekooyinkii asxaabtiisa qaar ka mid ah. Fakir yar kadib, labadan sheeko ayaa ku soo dhacay isagoon suunkiiba xidhan.

 

Luul waxay dhooftay sagaashamaadii, ha dhooftee, sheekadeeda waxa ka dharragsan dhallinyarada oo dhan. Markii ay maraysay gagida diyaarada ee Dubai waxay sammaysay oo ay iska dhigtay gabadh dhagoole ah, iyadoo aakhirkii ku nabad tagtay kuna guulaysatay in Yurub cagaha dhigto. Marka laga sheekaynaayo waxa la yidhaa shillin ayaa laga daba tuuray si loo tijaabiyo inay dhago qabto iyo in kale. Xamse oo fikiraaya ayaa is yidhi adna sidaas oo kale ma sammaysaa, haddana, wuu ku dhici waayay.

Waxa jiray wiil kale oo loo diray isagana jaammacad dibadeed kaas oo dhibaato kala kulmay hab socdaalka iyo nidaamka loo raaco diyaaradaha. Samatar wuxuu waxbarasho dibadeed u baxay wakhti ku beegan sannadkii 2000, ha ahaate, wuxuu kala garran waayay sharaabkii iyo cuntadii. Diyaaraduhu way kala duwan yihiin, sidaas darteed, cuntooyinka iyo sharaabka ay qaarkood iibiyaan waxay yihiin kuwo Doofaar iyo Khamri ku jiri karaan. Xamse bac kale ayaa ku xidhan tay ah cuntadii iyo sharaabkii diyaaradu ugu talo gashay rakaabka. Ma cuntaa ma daysaa ma dhadhamisaa ma dhaaftaa ayuu ku hadraayay.

Xusuustu kama ba’do illeen. Hebel sowkii diyaarada suuligeeda isku xidhay ee la soo celiyay, hebel kale sow kii ingiriisiba ku hadli kari waayay ee markii cid fahanta loo waayay la soo celiyay. Hebel kale sowkii baasboorkiiba diyaarada kaga dhex lumay ee la soo celiyay oo maanad ogayn in hebel kale khamri intuu sharaab mooday oo uu sakhraamay isagoo dalka dhex jooga aanu is arrag. Heblaayo sowtii baasboorkii hore kurka laga goyn jiray iska qaadataye la soo celiyay oo hebel sowkii illaaway waraaqihii muhiimka ahaa ee la soo celiyay halka heblaayo iyadoo gabadh u eg ku baxaysa sharcigeedi la soo celiyay. Waar niyow waxani maxay ahaayeen, acuudu bilaah!

Isagoo isla maqan oo sheekooyinkaas in ay khiyaal yihiin iyo in ay run yihiin aanu kala garanayn dhex mushaaxaaya ayay gabadh yar oo dhuuban,dhisan oo dhex yari ku tidhi ‘’ Suunka xidho diyaaradu way kacaysaaye’’. Indhaha u kala furmay. Wuxuu iska sii watay sheekooyinkii u badnaa ku tiri ku teenka (qiila wa qaala) ee laga soo warriyay dadkii hore u dhoofay. Toddoba saacadood oo uu hawada sare dhex mushaaxayay waxaa dhulka cago dhigatay diyaaradii.

Dadka ka shaqeeya garoomada diyaaraduhu wakhtigan danbe ee ammaanka adduunku iska xummaaday waxay ku talax tageen in toobabaro heerkoodu sarreeyo la siiyo shaqaalaha ka hawl galaaya gagida diyaaradaha. Qofka naxsan ee aan sife sax ah u socdaalayn waxa laga arkaaya wajigiisa iyo cabsida ka muuqa guudkiisa sare.

Xamse saf dheer gal, loona yeedh. ”Halkaad ka timid? Maxaad u socotaa? I tus Fiisahaaga? Maxaad baranaysaa?  I tus warqadii ay jaammacadu kugu ogolaatay? I tus warqadii aad Fiisaha ku qaadatay ee safaaraddu ku siisay?. Yaa..yaa…yaa…indhuhuu kor u taagtaagay waxaana loo kaxeeyay qaybta hubinta iyo baadhista socdaalayaasha soo mara garoonka diyaaradaha. La baadh oo la hubi lanna aqoonsay in fiisaha uu wataa sax yahay se waxaa is iman wayday waxa ku qoran fiisaha iyo maadada uu dhiganaayo.

 

Arrinkii ku adkaa. Waxaa loo kaxeeyay oo loo geeyay ku xigeenka maamulka sare ee garoonka. Hadalkaba kumuu sii badin ee wuxuu waydiiyay

Maamulka:  Maxaad doonaysaa inaad waddankaayaga ka baratid (course ke)?

Xamse:Ku ye,  Takhasus kaas ayaan doonaaya inaan barto (course kaas).

Maamulka:Waxa ku qoran baasboorkaaga iyo waxaad doonaysid inaad baratid farqi weyn ayaa u dhexeeya. Markaa waxaanu go’aan sanay inaad dalkaagi ku noqtid oo aad soo saxdid sharcigaaga socdaalka (Fiisaha).

Wadnuhu kuma go’o. Maxaa igu watay mukhalas kaas baas ee ii geeyay. Haddaan noqdo waan toogan doonaa ama mindi baan gelin doonaa. Iska daa horta aduu aan noqdee, anuu i khiyaameeyay oo intuu lacag iga qaatay haddana iga soo khalday wixiiyo dhan. Bal eeg imika dhibkuu ii gaystay xataa haddaan noqdo cid iga soo bixisa kharashka danbe ee diyaarada iyo fiisaha ma hayo oo intaana reerkaba dhib ku ahayd. Xamse tawaawac iyo tiraanyo ayuu galay uu kaga qoomamoonaayo mukhalaskaas uu u maray wuxuu sida sharciga ah ku heli ka raayay.

Ku xigeenkii maamulka garoonka diyaaradaha ayaa qaaday baasboorkii isagoo ula tagay madaxa sare ee garoonka (Maamulaha guud). Kadib, wuxuu kula soo noqday Xamse oo fikir iyo walbahaar ka muuqdo wajigiisa. Wuxuuna ku yidhi’’ Maamulaha guud ee garoonkani wuxuu kuu ogolaaday inaan ku siino shaanbada dal ku galka (Entry) madaama oo aad tahay arday. Waxaanu kuu sheegaynaa inaad hubsatid marwalba sifaha,sharciga iyo shuruucda socdaalka ee aad waddatid inay sax yihiin ka hor intaanad socdaalin. Markaad hubsatid waxwalba gooso tigidhka oo u amba bax waddankaad u socotid. Guulayso weligaa!

Xamse, laga kala dag. Isagoo dagganaanshiyo dareemaaya ayuu ka baxay albaabka garoonka diyaarada. Dhallinyaro lagu balamiyay oo garoonka muddo badan ku sugaysay ayaa gaadhi ku qaaday. Iska dag, iskana nasay muddo maalin ah. Maalin labaadii waxaa la geeyay waaxda socdaalka ee waddanka si loogu dalbo sharciga daganaanshiyaha. Arragtidii koowaad ee la arkay fiisaha uu wato iyo warqadda uu ka wato jaamacaddu inayna isku mid ahayn ba waxaa loo gudbiyay waaxda baadhitaanka fiisayaasha. Inyar kadib waxaa loo sheegay inuu dalkiisii si dagdag ah ugu noqdo oo isa soo waafajiyo sharcigiisan kala dhiman.

Khaladaadka aynnu ka galno  waddankeena iyo shuruucdiisu waa kuwo marwalba aan si fudud uga gudubno ama aynnu bixino laaluush ama waji iyo ehel ahaan aynnu garab ku helno’e, isla mar ahaantaana, iyadoon laynagu ciqaabin khaladka aynnu sharciga ka galnay aan si raaxo leh u tamashlayno innakoo aakhirka caadaysana ku dhicitaanka gafafka aynu sharciga iyo shuruucda waddankeena ka galayno. Xamse maalintuu soo dhoofay illaa imika wuxuu ciqaabtiisa maraaya hal khalad oo uu ka galay waddanka uu u socday shuruucdiisa, innakuna kun khalad haddaan waddankeena ka galno cidna innaguma cigaabto. Bal adba!

 

Baadhitaan badan oo lagu sammeeyay iyo xidhiidho lala sammeeyay safaaradii uu fiisaha dal ku galka ka soo qaatay kadib waxa loo ogolaaday in la siiyo sharciga daganaanshiyaha dalka ee ardaynimo. Intee in le’eg bay qaadatay inuu ku helo sharcigaas, toddobaad mise toban cisho mise labaatan cisho. May intaas midkoodna maaha, sannad iyo dheeraad ayay qaadatay inuu ku helo sharciga degganaan shiyaha isagoo maalin walba galinka danbe tagi jiray booliska si loo hubiyo, loona baadho, looguna sheego halka kiiskiisu maraayo.

Gabgogabadii, haddii aad maqashay in dhawr qof oo mukhalas maray ay guulaysteen taas micnaheedu maaha in marwalba laga dul boodi karo sifaha sharciga ah ee lagu socdaalo. Marka aad adduunka kale u socdaalaysid hal khalad oo wax yar adiga iyo inta kugu xeeran idiin la muuqda ayaa lagugu ciqaabaaya.  Hubi oo iska hubso sharcigaaga socdaalka ka hor intaanad ka ambo bixin dalkaaga. Waydii dadka aqoonta u leh inay kaa caawiyaan sax ahaan shiyaha sharcigaaga, hanna marin mukhalas adoo awoodaaya inaad safaarada si dhib yar uga soo qaadatid fiisaha. Xasme ayaa la waydiiyay ka warran khibradaada socdaal ee imika markaasu yidhi ’’Imika. laba jeer dhoof baan ahay”.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment