Xiin-galool, 20 August, 2014-(Himilo)- Masuuliyiinta dawladda Somaliland ee ka soo jeeda Bariga gobolka Sanaag, ayaa afka ka xidhay ka hadalka Shir aan illaa hadda ujeeddadiisa rasmiga ah la aqoonsan oo ay Beelaha Warsan-geli ee dega Sanaag-Bari shaaciyeen inay ku qabanayaan degmada Xiin-galool oo 41KM dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan.


Labadan Masuul oo aannu Taleefannadooda kala xidhiidhaynay saddexdii habeen ee u dambeeyey, ayaa taleefannada oo ay ka jawaabi waayaan iyo marka aannu su’aasha weydiinno waxay shirkaas kala socdaan kolba wakhti la ballamayey Weriyeyaal Wargeyska Himilo ka tirsan, ka dibna taleefanka ka xidhanayey ama ka bakhtiisanayey. Balse, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo aannu isaga laftiisa dhawr jeer isku daynay inaannu la xidhiidhno ayaanay isaga noo suuragelin inaannu helno, ka dib markii aannu la kulannay marar kala duwan Taleefankiisa gacanta oo xidhan.
Balse, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Wasiir Ku-xigeenka Macadanta, ayaa mid waliba sheegay inuu joogo deegaannada Bariga gobolka Sanaag ama gobolka Badhan deegaanno ka tirsan, hase-yeeshee, ujeeddada shaqo ee ay wakhtigan halkaas u joogaan iyo waxay shirkaas kala socdaan ayay Daaha saareen, isla markaana diideen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan amaba ka hadlaan, waxaanay dadka qaar u arkaan inay Masuuliyiinta laftooduba door ku leeyihiin qabashada iyo hirgelinta shirkaas oo ujeeddooyin kala duwan la sheegay inuu huwan yahay.
Dadka ka ag-dhaw qaban-qaabada Shirkaas, ayaa qaarkood sheegayaan inuu Shirkaasi dabada ku hayo arrimo Siyaasadeed oo iska soo horjeeda iyo sidoo kale inay gacmo shisheeye ku dhex-jiraan, isla markaana aanay ka madhnayn faro-gelin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland kaga imanayaa, siyaasadahaas oo qaarkood dhaawici karaan haddii aan laga hortegin Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo aanay illaa hadda Xukuumaddu wax war ah ka soo saarin haba-yaraadee Shirkaas.
Xukuumadda Somaliland, ayaa hore uga hor-tagtay Shirar kala duwan, ujeeddooyin kala geddisanna Xambaarsan oo diyaarintoodu ka socotay deegaannada Bariga fog ee Sanaag qaar ka mid ah iyo degmada Taleex ee gobolka Sool ka tirsanayd oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay gobolka Xaysimo.
Hase-yeeshee, Shir ay Kooxda la baxday Khaatumo State ku qabsadeen deegaanka Saax-dheer oo Sool ka tirsan, ayay Khamiistii toddobaadkii hore waxay ku doorteen Madaxweyne ay u doorteen Dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh. Shirkaas oo ay qabashadiisa iyo ujeeddadiisaba ka war-haysay Xukuumadda Somaliland, ayaanay haddana waxba ka qabannin, iyaga oo Ciidammada Qarankuna dul-fadhiyey deegaankaas Madaxweynaha lagu doortay, waxaana halis ku jirta Qarannimada iyo Midnimada Somaliland haddiiba ay shirkan Xiin-galool diyaarintiisu ka socotana ka soo dhex-baxaan ujeeddooyin ka hor-iman kara Qarannimada, Midnimada iyo Nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment