Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inaanay wararka ay hayaan Hay’adahaas iyo waxyaabaha ay sheegayaanba yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, kana war haynin ujeeddada rasmiga ah ee ay Somaliland Ciidankaas oo aan weli la abuurin u samaynayso, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaraddaa ee magaalada Hargeysa.“Ciidanka OPU oo macneheedu yahay Ciidanka ilaalada wax-soo-saarka ama Shidaalka, Ciidankaas wax looga sii daayey siyaabo qaldan oo caalamka loo geliyey. Haddii markaa aan idiinka warramo abuuritaanka Ciidanka OPU-da ee laga bixiyey dhawaan qaylo-dhaanta haddii ay yihiin Hay’adaha caalamka qaarkood iyo hadday yihiin kuwo gudaha ah-ba, waxay tahay xog la’aan ka haysa Hay’adahaasi danta laga leeyahay Ciidanka iyo dhismihiisa ee uu Qaranka Somaliland ugu talo-galay. Sidaa darteed, haddii aan faahfaahin ka bixiyo ujeeddada Qaranka Somaliland ka leeyahay Ciidammadan oo aan weli la abuurin illaa hadda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.
Wasiir Waran-cadde oo qodobbada aasaaska u aha abuuritaanka Ciidankan ilaalada Sahaminta iyo soo-saarista Shidaalka Somaaliland waxa uu yidhi; “Waxay tahay 1- Ciidanka oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska iyo qaar ka mid noqon doona Ciidammada Qaranka ama qalabka sida ayay ka koobnaan doonaan marka la abuurayo Ciidankaasi. Ciidanka Boolisku wuxu leeyahay Hoggaanno, Hoggaannadaas waxa ka mid ah Hoggaanka Baadhista Dembiyada, waxa ka mid ah Hoggaanka RRU-da, waxaa ka mid ah Hoggaanka Ka-hortagga Argaggixisada iyo Hoggaanno kale oo dhammaantood hoos-yimaadda Taliska Booliska Somaliland, iyadoo ay Masuulna ka tahay oo ay dhammaantood hoos-yimaaddaan Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland.”
“2-Waxay gaar u noqon doonaan Ciidammadaasi ilaalinta ammaanka hawlaha Shidaalka iyo Shaqaalohooda ka hawlgalaya soo saarista Shidaalka. 3- Waxay noqon doonaan Ciidan si gaar ah u tabobbaran oo hanan kara hawlaha ay Qaranka u hayn doonaan marka la abuuro.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Waran-cadde.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay inaanu Ciidankaasi ahayn mid abuuritaankiisa nabadgelyo-darro keenayo, waxaanu yidhi; “Mana aha Ciidankani inuu ammaan-darro ka abuuro dalalka deriska la ah Somaliland, gaar ahaan Soomaaliya, sida ay ku andacoonayaan Hay’adaha iyo Shaqsiyaad ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, laakiin ay ka muuqato xog la’aan ka haysata sidii ay u heli lahaayeen warar sugan oo ku fadhiya xaqiiqda, yacnihii sida ay u warrameen Hay’adahahaasi waa hab aan xaqiiqda ku fadhiyin oo aad mooddo inaanay wax war ahba ka haynin habka loo samaynayo Ciidammada.”
Sidoo kale, Wasiir Waran-cadde oo la hadlaya Beesha caalamka iyo Hay’adaha wararka qaldan ka baahiyey Ciidanka ilaalada Shidaalka waxa uu yidhi; “Sidaa awgeed, waxaannu jecelnahay inaannu dunida u sheegno Somaliland inay tahay dawlad jecel nabadda iyo deris-wanaagga, hase-yeeshee u guntan sidii ay dalkeeda iyo dadkeeda-ba ay u gaadhsiin lahayd horumar iyo barwaaqo, ammaankeedana ay u ilaashan lahayd, waxaannu rejaynaynaa qeexitaankaa aannu ka bixinnay abuuritaanka Ciidanka OPU-da inay ku fillaan doonto dadka raadinaya wararka ku tiri-ku-teenka ah.”
Wasiirka arrimaha gudaha oo la weydiiyey in Ciidanka ilaalinta Shidaalka ee Somaliland samaynayso in Hub kala duwan dibedda looga keenayo, taasina ay tahay tallaabo jebinaysa Cuno-qabataynta Hubka ee ay Qaramada Midoobay saartay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland-na qayb ka ahayd iyo waxa uu taas kaga doodayo, waxa uu ku jawaabay; “Wax Hub la yidhaahdo oo aynu cid uga baahannahay ma jirto. Ninkii Odayga ahaa ee Siyaad Barre Hantida ugu badan ee uu innooga tegay Hub bay ahayd, Allaah Mahaddii illaa Qanjaha ayaynu joognaa, markaa Hub kale uma baahnin.”
Waxa kale oo uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ka hadlay Diiwaangelinta Muwaaddiniinta reer Somaliland ay ku qaadanayaan Aqoonsiga Waddani-nimo, waxaanu sheegay in Axadda maanta ay iman doonaan Caasimadda Hargeysa qaybta koowaad ee Qalabka lagaga hawlgalayo diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland, isla markaana bisha soo socda ay dalka si rasmi ah uga bilaabi doonto, waxaanu ugu baaqay Bulshada inaanay fursaddaas dayicin ee ay ka faa’iidaystaan oo aanay diiwaangelinta u soo tallaabsan ee ay u soo cararaan markay bilaabanto si qof waliba kaadhka Muwaaddinnimo ee uu xaq u leeyahay u helo ama u qaato.
Waran-cadde, waxa uu intaa ku daray inay diyaarinayaan Baasaaboorka cusub ee Somaliland oo Casri Elaktaroonik ah, kaasoo dhammaystirkiisa uu xusay inay meel fiican marayso, isla markaana ay dhawaan qaadan doonaan dadweynaha reer Somaliland, kuna tegi doonaan dalalka oo kuwa aqoonsaday mooyee kuwa kalena uu sheegay inay ka hawlgeli doonaan.
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment