Tuesday, August 12, 2014

Somaliland:Mudanayaal Isku Faro Saaray Siyaasadda Habarmagaadlaynta iyo Khasaare Ka Dhashay

Hargeysa:Aug,12,2014(Himilo)-Dhaawac wajiga ah ayaa waxa uu soo gaadhay Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (balaaki), iyadoo uu Nabarkaana Geystay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (kacaan), kadib markii ay isku jiidheen Siyaasadda Habar magaadlada.

magaaLabadan mudane ayaa isku jiidhay Xarunta Golaha Wakiillada Dhexdeeda, iyadoo uu Mudane Kacaan dagaal gacan-ka-hadal ah ula tegay Dhiggiisa kale, isla-markaana uu gaadhsiiyey dhaawac sahlan oo xagga wajiga ah.

Gacan hadalka ayaa ka dhacay Xafiiska Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada, waxayna dad goob joog ahi sheegeen in Xildhibaanku Seesar ku dhuftay Xildhibaan ka kale ka dib markii Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki Aflagaado kula kacay Habar magaado oo mudooyinkan Beelaha Hargeysa isku bahaysanayeen haybta ah Beesha Habar Magaado.

Xildhibaan Ibraahin Kacaan ayaa la sheegay inuu ka xanaaqay Aflagaadada Balaaki oo ay markii hore ka doodayeen In Beelaha Habar Magaadle ku bahoobaan Habar Magaado, taasi oo uu Ibraahin Kacaan taageersanaa iyadoo Balaaki ka soo horjeeday.

Xildhibaanka ayaa Dhaawaciisa loola Cararay Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa oo ku dhaw Xarunta Golaha wakiilada Somaliland.

Siyaasadda Beelaysan ee Habar Magaadlo ayaa Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku Eedeeyeen Mucaaradka inay wakhtigan soo kiciyeen qabyaalad iyo Isbahaysi Beeleed oo wakhtiyo hore la isticmaali jiray.

Labadan xildhibaan ee maanta gacanta isa saaray ayaa ka midaysnaa madba’a difaaca xukuumadda, iyagoo  walibba isku gobol kasoo wada jeeda, waxase Maanta dhacday inay isku khilaafaan xagga difaaca Habar magaadada oo dad badani madaxa u ruxayaan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment