Dadkan oo deegaannada ay ku dhaqan yihiin ay ka jirto Abaaro iyo Macaluul daran iyo Webiga oo Biyo-yareeyey iyo Nadaafadda oo aan wanaagsanayn sida uu Radio Hirad u sheegay Maxamuud Muxumed Cabbaas oo ah Guddoomiyaha Degmada Magaay. Waxaanu sheegay inay Shan Carruur ahi u dhinteen Cudurka Shuban-biyoodka deegaankaas Maagaay, isla markaana ay 47 ruux oo kale uu xanuunkaasi soo riday, kuwaasoo ay toddoba ka tirsani aad u liitaan.Waxa uu Guddoomiyaha Maagaay intaas ku daray inkasta oo ay dawooyin kooban ka heleen Cusbitaalka Inter Sos ee magaalada Jawhar ay ka haleen, haddana aanay ku filnayn. Hase-yeeshee, Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay inay Kooxo Caafimaad oo gurmad ah u dirayso deegaannada ay ka dillaaceen Xanuunnada Jadeecada iyo Shuban-biyoodku.
Tuulooyinka ku dhadhaw degmada Maagaay ee gobolka Shabeellada dhexe ee ay ka mid yihiin Tuulooyinka Baardheere iyo Boodaale, ayaa lagu soo warramayaa inay lix Carruur ahi ugu dhinteen deegaannadaas Cudurka Jadeecada, sida ay dadka deegaanku xaqiijiyeen. Masuul u hadlay Hay’adda Bisha Cas, ayaa sheegay inay deegaannadaas ay Shuban-biyoodka iyo Jadeecadu ka dillaaceen u dirayaan Kooxo Gargaar Caafimaad iyo Cunno gaadhsiiya dadka ku dhaqan deegaannada Xanuunkaasi ka dillaacay, gaar ahaan kuwa uu xanuunku soo ritay.
Deegaanno kale oo ku dhow degmada Jowhar, ayaa la sheegayaa in uu cudurkani ku dilay shan ruux 48-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo dadka uu ku soo ritay Cudurka Tuuladan ay gaadhayaan 52-qof sida ay dadka deegaanku ugu warrameen qaar ka tirsan Warbaahinta Soomaalida. Waxaana Cusbitaalka magaalada Jawhar ee Inter SOS ee ay Maamusho Hay’adda SOS ayay Siddeed Carruur ahi u jiifaan cudurka Shuban-biyoodka sida uu sheegay Maamulaha Cusbitaalkaas oo Warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, Tuulooyin kale oo ku dhow magaalada Jowhar, ayaa iyagana laga soo sheegayaa in uu ka dillaacay Shuban-biyoodku, waxaase socda gurmad la doonayo in Cudurkaan lagu hakiyo, inkastoo uu si deg-deg ah ugu fidayo deegaannada gobolka Shabeellada dhexe, waxaana la sheegayaa in tobanka qof ee ku dhintay xanuunkaasi ay isugu jiraan Carruur iyo Waayeel.
Sidoo kale, Hay’adda INTERSOS, ayaa la sheegay inay xarumo caafimaad oo lagula tacaalayo cudurkan ka hirgelisay Tuulooyinkaas, waxaana dadka uu cudurkan ku dhacay la siiyaa dawooyin, falloobooyin iyo Biyaha nafaqada soo celiya isugu jira.
Xanuunka Shuban-biyoodka, ayaa deegaannada gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan Jawhar waxa uu ka dillaacay toddobaadkii hore oo uu laba Carruur ah ku dilay halkaas dad kalena ku soo riday. Waxaanay Tuulooyinka cudurkan shuban-biyoodku ka dillaacay dadka ku nooli ka cabaan Biyaha Webiga Shabeelle, waxaanay deegaannada qaarkood leeyihiin Ceelal Biyaha laga cabbo.
Dowladda Soomaaliya ayaan iyadu illaa hadda wax gurmad ah u fidin dadka cudurkani uu ku dhacay ee ku nool deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, kuwaasoo ah goobo ay dawladdu gacanta ku hayso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment