Tuesday, August 19, 2014

Urur ay ku bahoobeen Aqoonyahanka ku takhasusay Cilmiga Dhaqaaalaha oo Hargeysa lagaga Dhawaaqay

Hargeysa, 19 August, 2014 (Himilo)- Urur ay ku midaysan yihiin Aqoonyahanka ku takhasusay Cilmi Dhaqaalaha isla markaana ay xubno ka yihiin xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa todobaadka lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Ururkan oo loogu wan-qalay Somaliland Economic Association (SEA), ayaa munaasibaddii lagu daah-furay oo maalintii Axadda lagu qabtay Hotel Safari ee magaalada Hargeysa, waxa qayb-galay Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Cumar Aw Yuusuf Buux, aqoonyahanno ku takhasusay culuunta dhaqaalaha oo isugu jira macallimiin wax ka dhiga jaamacadaha dalka, shaqaale ka hawlgala shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo arday cilmiga dhaqaalaha ka bartay jaamacadaha dalka iyo dibaddiisaba.

IMG_0321Ujeeddada loo aasaasay ururkan, ayaa lagu sheegay inuu  noqdo goob kulmisa aqoonyahanka cilmiga dhaqaalaha ku takhasusay ee dalka, looga faa’ideeyo bulshda iyo sidoo cilmi-baadhisyo loogu samayn lahaa caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ka haysta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire munaasibadda daah-furka ururka ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey ujeeddada ka dambaysa aasaasidda urur ay ku bahoobeen aqoonyahanka bartay cilmiga dhaqaalaha iyo faa’iidada bulshada, ganacsatada iyo dawladda ugu jirta in dalku yeesho Urur noocan ah.

Dr. Sacad Cali Shire oo guddoomiye loogu doortay, waxa uu sheegay in Somaliland waqtigan baahi wayn u qabto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhinaca dhaqaalaha oo ah laf-dhabarta nolosha bani’aadamka.

“Dhaqaalayahanka Somaliland meel uu ku soo hirto ayaanu lahayn, Ururkani waxa uu wax ka qabanayaa oo uu xal u raadinayaa kala daadsanaanta dhaqaalayahanka Somaliland haysta maanta iyo kaalinta uu ka mudanyahay. Waa urur ballaadhan oo u furan dhaqaalayahanka oo dhan, siinaya dadka dhaqaalahanyahanka ah fursad ay ku qaataan kaalintii ay ku lahaayeen,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Arrinta aynu wadaagno walwalkiisa iyo walbahaarkiisu waa arrinka dhaqaalaha, markaa dhaqaalayahankeennu mee? Doorkii dhaqaalayahanku ku lahaa qaranka mee?”

Guddoomiye-ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Somaliland Cumar Aw Yuusuf Buux, wakiillo ka socday shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom iyo xubno ka mid ah aqoonyahanka ku bahoobay ururka dhaqaalayahanka, ayaa ka hadlay baahida loo qabo dhaqangelinta aqoonta dhaqaalaha ee waddanka taal iyo in dhaqaalahayanka dalku ay daraasado iyo cilmi-baadhiso ku sameeyaan dhaqaalaha waddanka, ka faa’iidaysiga khayraadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhaqaalaha dalka.

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment