Hargeysa (Himilo) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa tacsi u diray qoyskii, Ehelkii Bahda Saxaafada iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka geeriyooday suxufi Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir illaahay naxariistii janno hawgu deeqee.
War-saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
Ururka Solja wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii,qaraabadii iyo dhamaan bahda saxaafada somaliland geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid weriye Cabdiwali Faarax Jaambiir oo ahaa maareeyihii wargayska Ogaal oo maanta galinkii danbe ku geeriyooday magaalada Hargaysa
Taas oo aanu ilaahay ugu baryayno inuu qabriga u nuuro janatul fardowsana geeyo,dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo
Aamiin,aamiin aamiin
Xoghayaha guud ee ururka Solja
Mohamed-rashiid Muhumed Farah
Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa main Office
www.ururkasolja.org Email: soljajour@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment