Wednesday, August 13, 2014

Wasiir Cabdi Aw Dahir Oo Ka Hadlay Seerayaasha Muranka Dhaliyey Ee Wasaaraddiisu Gacanta Kula Jirto iyo Xoolo La Sheegay in Sucuudiga Laga Soo Celiyey

cabdi aw daahirHargeysa, 13 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw dahir Cali oo maanta hor tegay Gudduda Khayraadka ee Goalha wakiillada, ayaa faahfaahiyey tuhunno laga qabo in xoolo dalka ka dhoofay  arrimo caafimaad loosoo celiyey.

Wasiir Cabdi Aw Dahir, ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey seerayaasha goobo Somaliland ka mid ah laga qaydayo ee Muranka iyo shakiga ku dhaliyey dadkii deegaanadaas iska lahaa.

Wasiirka oo Markii uu dhamaaday Kulanka uu la qaatay xubnaha Guddida Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

“Guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada wasaarada way wada shaqeeyaan, warbixin ayaanan ka siinayey guud ahaanba sida ay wasaaradu  shaqayso, waxaanan doonaynaa inaanu si fiican u wada shaqayno kulama danbe-na waanu yeelan doonaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo ka Hadlay wararka sheegaya in xoolo laga soo celiyey dalka Sucuudiga, ayaa yidhi,

“Ma jirto xoolo adhi ah oo laga soo celiyey wadanka Sucuudiga waxaana jirtay  xoolo 1700  geel ah oo laynagu soo celiyey laakiin ilaa sanadkii 2011 ma jirto xoolo adhi ah oo laynagu soo celiyey, lo’duna way ka duwan tahay xoolaha kale walina ma jirto lo’ laynagu soo celiyey oo shalay ayaanu dirnay, mana jirto wax cuduro ah oo lo’da la xidhiidha.”

 

Sidoo kale wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland waxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay seerayaasha ay wasaaradiisu doonayso inay hir geliso waxaanu yidhi “Seerayaashu waa arin guud oo dadka ka dhaxeeya maadaama oo aynu xoolo dhaqato nahay, seerayaasha qool caday, aroori iyo Bancawli waa meelaha salka u ah xoolaha, inaguna ma noolaan karno haddii aynaan xoolo haysan, xooluhuna ma noolaan Karan haddii aanay daaq haysan, daaquna waxa uu inoogu xidhan yahay seerayaasha, dadkana wixii la keeno ee barnaamij ah marka hore way ku adkaadaan laakiin dadka iyo cidii wax inala qabataa aad ayey u soo dhaweeyeen, waana arin ay dani inoogu jirto laakiin la waayi maayo qof si kale wax u arka waanan qancinaynaa,waana waajibkayaga inaanu dadkayaga qancino, waxaanu doonaynaa inaanu tacab u samayno oo meel ay ku baxsadaan wakhtiyada abaaraha aanu u samayno waana arin muhiim ah.” Ayuu yidhi wasiirka

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment