Monday, August 4, 2014

Wasiir Faransiis ah Oo Runta Ka Sheegay Xasuuqa Israa'iil Ku Hayso Carruurta iyo Haweenka Reer Falastiin

Paris:Aug,04,2014(Himilo)-Masuul sare oo ka tirsan Dawladda Faransiiska, ayaa noqday Sarkaalkii ugu horreeyey ee isagoo xubin ka ah Dawladaha reer Galbeedka ee ka damqada Xasuuqa reer Israel.

farnMasuulkan ayaa ah Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Dawladda Faransiiska Laurent Fabius, waxana uu jeediyey haddal ay aad uga cadhoodeen reer Israel.

“Caruur iyo Haween la xasuuqo nabadgalyo kuma helayaan Israel, waana inay la heshiiyaan Falastiin.xalna loo helaa arimaha Barga-Dhexe” ayuu talo ku soo jeediyay Wasiir Laurent Fabius.

Xukuumadda Isreal ayaa arin lala yaabo ku tilmaantay in Wasiir Reer Yurub ah uu canaan dusha Kaga tuuro Israel,kana hadlo Xasuuqa ay Caruurta iyo Haweenka u geysanayaan.

Waxaa xusid mudan Dalka isreal inay Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka ay u joogaan Kooxo is-biirsaday oo difaaca jiritaanka Yuhuudda,xitaa hadii ay khalad ku dhacdo,waxaana qolooyinkaas loo yaqaan (Isreal-Lobby).

Xasuuqa Gaaa ayaa hadda gaadhay 1800 oo badankood Caruur iyo haween u badan,ilaa iyo hadana Mujaahidiinta Xamaas waxay diideen inay Calan-cad qaataan oo isku dhibaan Cadowga Yuhuudda oo maalintii 26-aad Gaza Xasuuqa ka wadda.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment