Wednesday, August 20, 2014

Wasiir Xirsi oo Kulan ballaadhan la qaatay Dufcadda 13aad ee ka Qalin-jabisay Jaamacadda Camuuud

Boorama, 20 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Madxtooyada ee Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa casho sharaf aad u balaadhan u sameeyay 621kii arday oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Camuud, waxana casho sharaftan oo si heersare ah loo soo agaasimay goobjoog ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Boosaha, Beeraha, Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirudawlaha Waxbarashsada, Maamulka Gobolka Awdal, kan degmada Boorama, Xildhibaano, Culimaaudiin, Madaxda Jaamacadda Camuud arday iyo suxufiyiin.
Kulanka casho-sharafta oo ah habeen hore ka dhacay magaalada Boorama, waxa ugu ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Hormuudka Xafiiska Arimaha Ardayda ee J/Camuud Prof. Maxamed Maxamuud Jaamac, Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Gobolka Awdal, waxana intuba hambalyo kadib ay kula dardaarmeen ardayda qalinjabisay ee la martiqaaday in ay noqdaan kuwo waxa ay barteen dadkooda uga faaiideeya.
kulankaQaar ka mid ah ardayda qalinjabisay ee madasha ku sugnayd oo halkaasi ka hadashay ayaa iyaguna xukuumada ku booriyay inay barnaamijyada ku aadan dhinaca hormarinta dhalinta gaar ahaan dhinaca shaqo abuurka ay ka dhigaan kuwo la dardargaliyo oo ka waxqabad badan sida ay maanta yihiin.
Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa yidhi “Martiqaadka caawa (habeen hore) qiimihiisu ma aha cashada aan wada cunayno, balse waa wada joogeena iyo kala faaiidaysigeena, waxa aan sheegayaa in cilmiga aad barateen uu yahay midka haybada idiin yeelay ee aad kaga soocan tihiin bulshada inteeeda kale, waa midka idiin horseeday in madaxwaynuhu uu Hargaysa idiinka yimaad oo uu shahaadooyinka idin gudoonsiiyo, waa midka sharafta u yeelay in aan caawa wada joogno cilmigu, waxana an idinku dardaarayaa in cilmiga aad xajisataan ogaataana inaad kaga soocan tihiin dadka kale ee aan wax baran.”
Wasiirka oo hadalka sii wata waxa uu yidhi, “Waxa aan sheegayaa fariinta uu madaxwaynuhu igu adkeeyay ana aan hore ugu soo talo galay, waxana ay taasi tahay in ka xukumad ahaan aan shaqaalaysiin doono inamada dhagoolayaasha ah ee ka qalinjabiyay Jaamacada, waxana aan u dhiibi doonaa shaqo ku haboon oo aan uga gol leenahay inay hormarin u noqoto dadka kale ee baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kale waxa aan gaadiidka curiyaamiinta u iibin doonaa wiilkii kale ee curyaanka ahaa ee ay madaxwaynha ku kulmeen xafladii qalinjabinta.”
Wasiirka Madaxtooyadu iyo xubno ka tirsan xukuumaddu waxa ay ggalabnimadii ka horeysay dhagax-dhigeen Maktabad cusub oo uu yeelan doono dugsiga Sare ee Sh. Cali Jawhar ee magaalada Boorama, waxaana madashan ka hadlay madax kala duwan oo tilmaantay in dugsigan uu yahay Buqcadii ay ka hanaqaaday Jamhuuriyada Somaliland sidaasi darteedana ay Hadiyad u heshay in Maktabadan loo horgaliyo.
Wasiirudawlaha Waxbarashada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in uu ku rajo wayn hayan in maktabadan cusub ay noqoto mid ay ardayda kala duwan ee dugsiga wax ka baranaysaa ka faa’iidaysto.
Wefdiga ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen dhismaha wali qabyada ah ee la doonayo in laga dhiso Guriga Maxtooyada ee gobolka Awdal, waxana Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo halkaasi ka hadlay uu sheegay in ay markhaati ka yihiin balanqaadka xukuumada ee ku aadan in gurigan la dhamaystitro, waxaanu wasiir Xirsi oo halkaas ka hadlay uu sheegay in sanadkan gudihiida la dhamaystiri doono dhismaha guriga martida ee magaalada Boorama.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment