
Hadalkan Jawaabta iyo caddaynta ah ee Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa yimi ka dib markii dhawwaanahan dawladda hoose ee magaalada Burco lagu eedaynayay inay Ganacsato ka Iibinayso Garoonka Kubbadda Gacanta (Basketbal-ka) ee Sheekh Bashiir oo ku yaalla Burco iyo weliba goobo kale oo Masuuliyiinta Wasaaradda lagu eedeeyey inay Xaraashayaan Dhul Taariikhi ah oo ay Wasaaraddu gacanta ku hayso.
“Waxaa Maalmihii u dambeeyay dalka iyo dibedda-ba nalaga soo weydiinayey, Wasaaradda Ciyaaruhu ma waxay iibinaysaa Garoomo iyo Dhulkii Ataarta Qadiimiga ah iyo Taariikhdu ku duugnayd oo la xaraashaya? Runtii arrintaas oo aanay waxba ka jirin oo ku tidhi-ku-teen ah, oo aan Suuro-gal ahayn. Garoomada iyo Dhulka Danta guud ah ee Dhalinyarada Somaliland ku Ciyaarto ama Goobaha Taariikhda Somaliland iyo Aataartu ku duugan tahay ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland waa mamnuuc in la iibiyo, lama iibin karo, lama degi karo sifo kalena looma adeegsan karo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Raygal.
Waxaanu Wasiirku intaas ku daray oo uu yidhi; “Dhammaan Maayarreda, Badhasaabyada iyo Ummadda Somaliland waxaan leeyahay, Maanta dhalinyaradeennu waxay u baahan tahay Garoomo ay ku Ciyaarto waxay u baahan tahay Meel aynu Tahriibta iyo Mashaakilaadka kaga saarno. Dhammaan Dhulka ay ku duugan tahay Taariikhda iyo Aataarta, waxaan leeyahay Badhasaabyada, Maayerrada iyo Bulshada Somalialnd-ba waa in meel looga soo wada jeesto oo la ilaaliyaa.”
“Dhammaan Ciidammada Booliska, Taliyeyaasha Ciidammada, Taliyeyaasha Saldhigyada, waxaan leeyahay, waxaa jira Dhul Bir-ma-geydo ah oo ay ka mid yihiin Garoomada lagu Ciyaaro, Dhulka lagu Ordo, Dhulka Danta guud ah ee Dhalinyarada loogu tala-galay, Dhulka Aataarta qadiimiga ah ee Taariikhdeennu ku Calaamadsan tahay, Runtii waxa loo Baahan yahay inaad ilaalisaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment