Xildhibaan Xukuumadda ku eedeeyey inay Garab ka tahay Xiisadda colaadeed
Burco, 09 August, 2014(Himilo)- Wefti ka socda Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Caddaaladda iyo Garsoorka iyo Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco, ayaa Jimcihii shalay socdaal ku tegay Deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18KM dhinaca Waqooyi kaga began, isla markaana ay ka taagnayd xiisad dagaal oo ay isku hor-fadhiyeen laba Beelood oo ku muransan lahaanshaha deegaankaas.
Weftigani markii ay shalay gaadheen Deegaankaas Balliga Diirye Guuleed waxay kulammo la yeesheen Madaxda Dhaqanka iyo Wax-garadka Deegaanka ee ka soo kala jeeda labada Beelood ee halkaas isku haya ee Reer Biniin oo Habar-jeclo ah iyo Cabdalle Arab oo Beesha Arab ah oo hore dad isagaga dilay deegaankaas ay ku muransan yihiin.“Maanta (shalay) oo ay bisha siddeedaad sannadka 2014-ka tahay siddeed, waxaannu halkan ku maraynaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxaannu halkan u nimi in aannu xallinno Shaqaaqo muddooyinkii u dambeeyey-ba ka taagnayd deegaankan Balliga Diirye Guuleed. Immika (shalay) halkan aannu ku sugannahay waa Tuulada Booraamo, waxaannu Wefti ahaan go’aansannay intaannaan u gelin waxay isku hayaan Labada Beelood in aannu kala qaadanno Ciidammada labada Beelood ee is-hor-fadiya.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo iyagoo ku sugan Tuulada Booraamo ee deegaankaas Warbaahinta la hadlay shalay.
Waxaaby Wasiir Abgaal oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaan halkan uga sheegaynaa Bulshada in aannu dhammaystirnay oo aannu ku guulaysannay in maanta-ba (shalay) la kala qaado Ciidan-beeleedyada is-hor-fadhiyey si amniga loo sugo. Waxaannu u sheegaynaa in aan qori aanu lahayn Ciidanka dawladdu lagu arki karin Deegaanka. Marka aannu hubinno caawa (xalay) inay suurtagashay in arrintaasi, waxaannu berri (maanta) u ballansannahay in aannu qolaba 11 qof kala shirno, waxaanan ku rejo-waynahay inay arrintaasi guul ku soo dhammaato.”
Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland kana soo jeeda Deegaanka lagu muransan yahay, ayaa sheegay in Balliga Diirye Guuleed la qoday 1954-kii, isla markaana ay Beeshiisu xilligaas markay Ceelkaas qodayeen Deegaan ku ahayd halkaas. Waxaanu intaas ku daray in labadii Madaxweyne ee Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ka horreeyey eek ala ahaa Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Mudane Daahir Rayaale Kaahin-ba uu mid waliba Saxeexay Magaalaynta ay Beeshu doonayso ee Deegaanka Balliga Diirye Guuleed, sidoo kalena ay illaa laba Maayer iyo Laba Badhasaab oo gobolka Togdheer iyo Magaalada Burco isaga dambeeyey ay iyaguna saxexeen in la magaaleeyo deegaan.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Jaamac-Riyo oo Warbaahinta la hadlay, waxa uu ku dooday in Magaalaynta deegaanka Balliga Diirye Guuleed ee ay Saxeexeen Masuuliyiinta uu kor ku sheegay laga tallaabsanayo markii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada qabatay, beesha dhulkaas ku haysataana waxa uu ku eedeeyey inay Xukuumadda garab-ka helayso. “Haddii Waraaqaha Sharciga ah ee aannu haysanno ee Madaxweyne Marxuum Cigaal saxeexay, ee Madaxweyne Rayaale saxeexay, ee Maayerradii Magaalada Burco isaga dambeeyey iyo Badhasaabyadii gobolka Togdheer isaga dambeeyey ay dhammaantood wada saxeexeen oggolaanshaha inay Beeshu magaalaysato Balliga Diirye Guuleed oo ay Bino Barkado iyo Guryaba ah ka samaysan karto ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu yidhaahdaan Sharci maaha, markaa Madaxweyne Siilaanyo-na Sharci maaha ayaannu leenahay. Waxaanannu u aragnaa inay Xukuumaddu garab ka tahay muranka halkaas ka taagan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac-Riyo.
Waxa Xildhibaan Jaamac-Riyo ugu baaqay Golayaasha Baarlamaanka, gaar ahaan Guurtida, Xukuumadda, Culimada, Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Dadweynaha reer Burcu uu ugu baaqay inay kala gaadhaan labada Beelood ee deegaankaas Ciidammadoodu isku hor-fadhiyaan oo hore dad u kala dilay, immikana uu sheegay haddaan inta ay dhawdahay la kala gaadhin ay xaaladdu sii adkaan karto. Waxaana Weftigan Xukuumaddu baaqaas ka dib ay u dirtay Deegaanka Balliga Diirye Guuleed ay sheegeen inay ku rejo-wayn yihiin inay guul iyo is-faham ku dhammaan doonto xallinta iyo isu-soodhaynta ay ku daminayaan xiisadda ka dhex-taagan labadaas Beelood.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment