Thursday, August 14, 2014

Xisbiga Waddani oo sheegay inay Xukuumaddu ka dambaysay Shir Qaranimada Dhabar-jab ku ah oo gudaha Somaliland lagu qabtay

Hargeysa, 14 August, 2014 (Himilo)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo si adag ugu dhaliilay wax ay ku tilmaameen quudhsi lagula kacay Siyaasiyiin hal-door ah oo ka soo jeedda gobollada Bariga dalka iyo doorka ay ku leedahay heerka qabyaaladdu heerka ka marayso dalka oo masuuliyaddeeda ay xukuumadda ku eedeeyeen.

WADANIXoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani  iyo Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Cabdirashiid Riyo Raac oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa ay sheegeen inay xukuumaddu dhayalsatay doorkii ay gobollada Bariga dalka ku lahaayeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Cabdi Xaabsade oo sababaha uu maamul-goboleedka Puntland ugu goostay ay u sibir-saareen in waxba laga weydiin waayey Arrimo ku saabsan Shir ay kooxda la baxday ku qabsatay deegaamo ka tirsan gobolka Sool.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ugu horeyn ka hadley shirka jaraa’id, ayaa soo bandhigay dhaliilo uu sheegay inay wax-ka-qabasho la’aantoodu wakhtiganku fooraraan Xukuumada Madexweyne Siilaanyo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, "Hadaanu nahey Xisiga Mucaaridlka ah ee Wadani waxaanu maanta halkan kaga hadleynaa dhawr arimood oo dalka Dhibaato weyn ku haya oo ay Xukuumada Somaliland ee maanta talada haysaa hormood ka tahey, oo ay Xukuumadani ku fashilantey islamarkaana, u baahan in Bulshada loo bandhigo , waxaad ogtihiin in Xuduudihii dalalka dariska ah ee aynu walaalaha aheyn ee Jabuuti iyo Itoobiya in la xidhay oo ay imika mudo dheer xidhnaayeen, dadkuna ay yihiin dad walaalo ah oo wax ka dhexeeyaana aanay jirin. Xidhitaankaa Xuduudahana waxaa u sabab ah Maamul-xumada maanta jirta ee Somaliland katalisa,iyo xidhiidh xumada ay la samaysay dowladhaasi oo ka duwan qaabkii hore ee aynu ula dhaqmi jirney dowladahaa aynu jaarka aheyn,aad iyo aad ayaanu uga xunahay,” ayuu yidhi Mr Uur=cadde.

“Waxaananu Xukuumadda usoo jeedinaynaa Waddani ahaan iyadoo ay Xuduudihii xidhan yihiin dhinac Walba oo badii xidhan tahey,iyo Cirkii oo ay Soomaaliya la wareegtay oo ay Somaliland kujirto meel aanay waligeed iyo alheed gaadhin ilaa maalintii lagu dhawaaqay,aad iyo aad ayaanu uga xunahay waxaanu usoo jeedinaynaa in ay Xukuumadu ama si dhakhs ah dadweynihii doortey talada gacantooda usoo celiso ama ay si dhakhso ah waajibkii ay laheyd u gudato oo furto xuduudihii dalalka jaarka ah Somaliland waa Somaliland haday tahey hawo iyo hadey tahey Badd, iyo hadey tahey Bariba ama waxaanu ta yeelaynaa ta Un ama Waxaanu yeelaynaa ta caynkan ma aha wixii loo igmadey taasi ee Somaliland waa Somaliland,"ayuu yidhi Maxamed Uurcade, isaga oo intaas ku daray eedayn uu ku duray Xukuumada Madexweyne Siilaanyo in ay dabada ka riixayso Qabyaalada wakhtigan xaadirka ah meel xasaasi ah ka mareysa Guud ahaanba Dalka Somaliland.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdirashiid Riyo Raac, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambaysay shir kooxda la baxday Khaatumo ugu qabsoomay deegaan ka tirsan gobolka Sool, kaas oo lagu doortay baarlamaan ay kooxdaasi samaysatay.

“Xukuumada uu Hogaamiyo Madexweyne Siilaanyo,in Rag Waaweyn oo Siyaasiyiin ahi uga yaaceen dalka kadib markii, lagala tashan waayay Deegaanadoodii iyo qadiyada jiritaanka Somaliland taas oo Siyaasiyiinta u baxey Puntlnad ee uu kamid yahey Axmed Cabdi Xaabsade ay kadaba tagi doonaan rag kale o Wasiiro ka ah Xukuumadda oo aan waxba laga weydiin Gobolka ay kasoo Jeedaan ee Sool,” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac, isaga oo intaas ku daray, “Waxaan aaminsanahay in Shirkii Khaatumo ee Cali Khaliif galeydh ku qabsadey Gudaha dalka Somaliland ay Xukuumadani ka dambeysay maadaama oo ay u diiday in ay faraha lagalaan, oo ay doorkooda ka ciyaaraaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaankaasi xagee lagu akey Dowlad dhan oo dhisan oo Golayaasheedii Qaranku u dhan yihiin oo Dowlad kale lagu dul dhiso waxaan qabaa in guuritaanka Axmed Cabdi Xaabdsade uu u wareegay Puntland ay qeyb ka tahey Siyaasad xumada Xukuumadan, maadaama aan lagala tashan Deegaankoodii iyo duruufaha Siyaasiga ah ee ka taagan,” ayuu yidhi Xoghayaha Qorsheynta ee xisbiga Waddani.

Himilomedia.com             

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment