Waxa uu sheegay in gabadhiisa markii ugu war dambeysay ay u sheegtay inay College aadeyso kaddibna ay waayeen, wuxuuna sheegay inuu tegay Goobtii, kaddibna ka waayay gabadhiisii markaasi kaddib la baadhay boorso uu ku jiray Baasaboorkeeda markaasi oo labada waalid ee gabadha uu ku dhashay dareen ah inay dhooftay gabadhooda.Aabe C/rashiid ayaa sheegay in gabadhiisa ay u duushay dalka Turkiga iyadoo aan wargelin labadii waalid ee dhashay, kaddib markii ay Taleefan kula soo hadashay habar yarteed oo Ingiriiska degan una sheegtay inay Turkiga joogto isla markaana ay ka baqeyso in haddii ay UK ku laabato Boolisku xidhaan.
“Gabadheydii waan ku jecelnahay aabe, dib u soo laabto Booliska aniga ayaa kaala hadlay waxba kuma yeelayaan” ayuu yidhi Aabe C/rashiid Siciid Diiriye oo muujinaya sida uu uga qiireysan yahay in gabadhiisa ay ku biirto kooxda Daacish ee dagaalada ka wadanka Suuriya.
Isagoo ka hadlayay sababta keentay in gabadhiisa ku biirto kooxaha dagaalada ka wada dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyo cida ku qalqaalisay ayaa sheegay in gabadhiisa ay ahayd gabadh degan oo waxbarashadana ku fiican, wuxuuna intaasi raaciyay inay duufsadeen kooxo Internet-ka kala soo xidhiidhay.
Aabahaan ayaa sheegay in gabadhiisa ay khaldeen kooxo jihaad been ah u sheegay, wuxuuna intaasi raaciyay in kooxahani ay si aad ah u raadiyaan ardayda buundooyin fiican keena, iyagoo ku beer laxawsanaya in Muslimiinta la laynayo ayna waajib tahay in lagu jihaado Gaalada.
Dhinaca kale hadalka Aabe C/rashiid Siciid Diiriye ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee iyagu ku biiraya kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq, kuwaasi oo qaarkood ku geeriyooday dalalkaasi iyagoo ka barbar dagaalamaya dagaalyahanada ururka ISIS.
Aabahani waxa uu warkan siiyey Idaacadda BBC-da oo uu u warramayey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment