Tuesday, October 7, 2014

Maraykanka Oo Ka Hadlay Tallaabada Al-shabaabku Kaga Baxeen Magaalada Baraawe

Washington:Oct,07,2014(Himilo)-Dawladda Waddanka Maraykanka oo qayb weyn ku lahayd Jabkii dhawanahan soo gaadhayey Ururka Al-shabaab, ayaa ka Hadashay Ka-bixintaanka Kooxda ee Magaalada Baraawe oo Haatan ciidamada Huwanta ahi gacanta ku Hayaan.

makWakiilka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia James P. McAnulty ayaa soo dhaweeyey la wareegista Magaaladaas istaraatiijia ah, waxana uu qabashadeeda ku tilmaamay guul Ciidanka Huwantu gaadheen.

“Xoreyntii 3-dii bishan ee degmada Cadale iyo Baraawe oo ay ciidamada la wareegeen 6-dii bishan waa guulo lagu amaani karo dowladda Soomaaliya, waana soo dhoweyneynaa”ayuu yidhi Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadayo taageerada uu siinayoyo dowladda Soomaaliya.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in culeysyada milateri ee Al-Shabaab ugaga furan aagag badan oo ku yaala Koofurta iyo Badhtamaha Soomaaliya uu tusaale u yahay in deegaano badan oo muhiim ahaa inay si fudud u lumiyeen.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment