London, 15 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Khudbad ka jeediyey Shirka Maalgashiga iyo horumarinta Ganacsiga Somaliland oo shalay ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo isla shalay lagu soo gebo-gabeeyey, taasoo uu kaga hadlay horumarka, degganaanta iyo xasilloonida dalka ka jirta.
Madaxweyne Siilaanyo oo Salaasadii shalay si rasmi ah u furay Shirkan lagaga hadlayo Maalgashiga Somaliland oo ay Somaliland iyo Ingiriisku wada-qabteen, waxaa ka qaybgalay ka sokow Madaxweynaha, Wefti uu hoggaaminayey, Ganacsato reer Somaliland ah, Ganacsato Ingiriiska u dhashay iyo Ganacsato caalami ah iyo Masuuliyiin ka tirsan dawladda Britain.Weftiga Madaxweynaha ee Shirkaa ka qaybgalay waxaa xubno ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka Macdanta iyo Tamarta, Khayraadka Biyaha, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Safiirka Somaliland u fadhiya London, Marwada Madaxweynaha iyo Xubno kale, waxa sidoo kale shirkaas ka qaybgalay Ganacsato kala duwan oo ka socday Shirkado Ganacsi oo Somaliland laga leeyahay, Shirkado waawayn oo caalami ah iyo kuwo dalka Britain laga leeyahay iyo Aqoonyahaniin reer Somaliland.
Waxa uu Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Khudbadda uu Shirkaas Maalgashiga lagaga hadlayey ka jeediyey kaga warramay marxaladaha kala duwan ee ay Somaliland soo martay, heerka ay hadda marayso iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira Somaliland, isagoo ugu baaqay Shirkadaha caalamiga ah ee Shirkaas goob-joogga ka ahaa inay Maalgashadaan Somaliland, isla markaana ay dadka iyo dawladduba soo dhawaynayaan cid kasta oo dalkooda maalgashanaysa.Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay intii Xukuumadda uu hoggaamiyaa talada dalka qabatay Somaliland ay qaaday tallaabooyin horumarka ah, kor u qaadista xidhiidhka Somaliland iyo caalamka ka dhexeeya, oo uu xusay in Shirkan uu shalay ka hadlay laftiisu ka mid yahay tallaabooyinka midha-dhalay ee ay dhinaca horumarka u qaadday Xukuumaddiisu.
“Tusaale ahaan waxaad isku aammini kartaan Somaliland dhinac kasta oo laga eego, Somaliland waa dal nabadgelyo iyo xasilllooni buuxdaa in ka badan 23 sannadood ka jirta dalka. Somaliland waxaa ka jirta xaalad deggan oo Maalgashiga ku habboon, waxa ku duugan khayraad badan oo dabeeci ah oo u baahan maalgashi caalami ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay inay Somaliland ka nabadgelyo badan tahay dalal badan oo caalamka ku yaalla, isla markaana aanay ka jirin haba-yaraatee wax baqdin ah, wax werwer nabadgelyo ah iyo cabsi laga qabi karaaba. Waxaanu ugu baaqay Ganacsatada caalamiga ah ee Shirkaas ka soo qayb-galay inay yimaaddaan Somaliland oo ay indhohooda ku arkaan horumarka iyo nabadgelyada ka jirta. “Soo booqda Somaliland si aad u soo aragtaan fursadaha maalgashi ee ka jira.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
“Somaliland waxa ay jirtay illaa 1883-kii, waxay leedahay dawladnimo dimuquraaddi ku dhisan oo shaqaynaysa, waanay u qalantaa aqoonsi caalami ah oo ay hesho. Jiritaanka Somaliland wuxuu ka horreeyey in badan oo ka tirsan xubnaha Midowga Afrika, waxaanay Somaliland ahayd dalkii saddexaad Afrika ee la aqoonsado. Somaliland way u qalantaa inay Aqoonsiga ka hesho cid kasta oo indho leh, dhego leh, caddaaladdana yaqaana.” Dr. Adna Aadan Ismaaciil oo ka mid ahayd Aqoonyahaniinta reer Somaliland ee Shirkaas ka qaybgalay, isla markaana hadallada ka jeediyey.Waxa iyaguna shirkaas ka hadlay Masuuliyiin kala duwan oo ka hadlay Muhiimadda Shirkan iyo sida ay u habboon tahay in laga faa’iidaysto fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi ee Somaliland ka jira. “Markaan Somaliland joogo waxaan dareemaa inay ka nabadgelyo fiican tahay sida aan dareemo markaan joogo meelo badan oo ka tirsan London.” sidaa waxa yidhi Ajay Chowdhary oo ah La-taliyaha Berbera Development Company.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof: Faarax Axmed Cilmi Geedoolo oo isaguna Shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in haddii la horumariyo wax-soo-saarka Beeraha dalka ay Somaliland quudin karto waddamo badan oo dunida ah, waxaanu yidhi; “Horumarka Beeruhu wuu hooseeyaa, fursado badanna way ka jiraan, waxaannu awoodi karnaa inaannu quudinno dalalka Bariga Dhexe iyo Galbeedka-ba haddii la maal-geliyo wax-soo-saarka Beeraha ee dalka Somaliland.”
Safiirka dawladda Britain u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Neil Wigan oo dhawaanna booqasho ku yimi Hargeysa, Madaxda Somaliland-na kulammo la yeeshay, ayaa isaguna Shirkaa ka hadlay shalay, waxaanu sheegay in taariikh qoto-dheer ay wadaagaan Somaliland iyo Britain, waxaanu yidhi; “Xidhiidh taariikh qoto-dheer leh ayaanu wadaagnaa Somaliland, askartayaduna way iska bar-bar dagaallameen.”
“Adeegyo dadweyne oo shirkado gaar ahi xukumaan way ka jiraan Somaliland, waxaan tusaale u soo qaadan karaa Wakaaladda Biyaha ee Booraama.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulla oo isaguna ka mid ahaa Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan ee Shirkaa Maalgashiga Somaliland lagaga hadlay ka hadal kooban ka jeediyey.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar, ayaa isaguna shirkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inay Shirkadaha doonaya inay Maalgashadaan Somaliland ay si fiican u soo dhawaynayaan, isla markaana ay cashuur-dhaaf u samaynayaan, waxaanu yidhi; “Somaliland waxay Maal-gashadayaasha u samaynaysaa cashuur-dhaaf saddex sannadood ah. Saddexda sano ee ku xigana waxaannu ka dhigaynaa 50% cashuurta.”
“Maalgashigiinna ugu hura Somaliland nabadda nabadda ka jirta, dimuqraadiyadda iyo cashuur-dhaafka aanu dhiirri-gelinayno. Somaliland waxay leedahay Sharci loo sameeyey Maalgashiga dibedeed oo Golayaasha sharci-dejinta ka soo baxay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar oo shirkaas ka hadlay.
“Waxaanu doonaynaa inaanu aragno kobaca dhaqaale iyo ganacsiga Somaliland oo guulaysta.” Sidaa waxa si kooban u yidhi Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamanka Ingiriiska ee u dhaq-dhaqaaqa qaddiyadda Somaliland oo shalay ka hadlay Shirkaas Maalgashiga Somaliland iyo horumarinta Ganacsiga lagaga hadlay oo isla shalay lagu soo gebo-gabeeyey magaalada London ee xarunta waddankaas.
No comments:
Post a Comment