Wednesday, October 15, 2014

Somalia Oo Heegan Ka Gashay Cudurka Ebola Lagaga Hortagyo, Xilli Somaliland Gacmuhu u Laaban Yihiin

Muqdisho:Oct,14,2014(Himilo)-Dawladda Federal-ka Somalia, ayaa sheegtay inay heegan sare kaga jirto sidii ay ugu diyaargaroobi lahayd xaalad kasta oo ka Timaadda Cudurka Ebola oo lagu sheegay dalal deriska ah.

maagWasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay Diyaar u tahay sidii ay uga Hortegi lahayd inaanu cudurkaasi soo gaadhin Somalia, maadaama dalal Bariga Afrika ku yaalla lagu sheegay in kiisas ka mid ah lagu arkay dhawaanahan.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed), xilli uu la hadlaayay Warbaahinta, wuxuuna Wasiirka intaasi ku daray inay jirto feejignaan badan oo dowladda ay ka gashay halista cudurkaan inuu Soomaaliya soo gaasho.

Wasiir Xareed ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddiyo badan oo dhaqaatiir ah, kuwaasi oo u diyaarsan ka hortagida cudurkaan iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loog wacyigelin lahaa.

Waxa kale uu sheegay Wasiirka in Garoomada dalka la dhigaayo qalabka baadhitaanka caafimaadka, waxaana la baadhi doona xaaladahooda caafimaadka dadka soo galaaya dalka, xilli uu sheegay in dadka aan la dareensiin doonin wax cabsi ah ama walaac badan oo cudurkan ku aadan.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Amisom ee gudaha dalka Soomaaliya jooga aan la bedeli doonin, taasina ay kawada hadleen madaxda Amisom, maadaama ay jirto cabsi la xidhiidha in dalalka ciidamada Amisom ka socda qaarkood laga helay cudurka Ebola.

Ciidamo ka tirsan kuwa Sierra Leon oo loo soo waday gudaha dalka Soomaaliya ayaa Askari kamid ah ciidankaasi laga helay cudurka Ebola, waxaana taasi ay keentay in ciidamada laga joojiyo Soomaaliya oo dalkooda ay ku sugnaadaan.

Tallaabooyinkan taxadarka leh ee ay qaadayaan masuuliyiinta caafimaadka Somalia, ayaa kusoo beegmaya xilli aanay dhiggooda somaliland muujin max taxadar ah oo xanuunkan lagaga hortegayo, waxana Masuulka u xilsaaran arrimaha Caafimaadku afka iyo addinkaba ka xidheen inay ka Hadlaan Arrinkan dunidu ka qaylinayso.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment