Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa dhowaan shaacisay suura Galnimada in Weeraro ARgagixiso ay Al-shabaab ka Fuliyaan Dalkeeda.Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa sheegtay Digniinta Safaaradda Kedib in Dalku uu Amaan yahay oo aanay Jirin Baqdin laga Qabo Weeraro ay Al-shabaab ka Fuliyaan Magaalooyinka Waaweyn oo ay ugu Horreyso Addis Ababa.
Ambassador Taye Atske Selassie, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ethiopia, ayaa Diblomaasiyiinta Caalamiga ah ee Addis Jooga Maanta oo Jimce ah u sheegay, inay cagta hoosteeda Gelinayaan Kooxaha Al-shabaabka u badan ee dalkeeda kusoo maqan.
“Waan Jecelnahay in aan Hubino Bulshadeen iyo Diblomasiyiinta kale Amaankooda, kuwa oo Jooga Addis, Tillaabo kasta ayaan u Qaadeynaa Dhanka ka Adkaashiyaha Al-shabaab iyo Weerar ay Halkan ka Fuliyaan, Cagta Hoosteeda ayaan Gelineynaa Kooxdaas, Kaliya Magaalada Addis Ababa maaha ee waa Dalka oo Dhan,” ayuu intaas ku Daray.
Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin kasoo saartay Salaasadii Joogitaanka iyo Amaanka Magaalada, waxaana ay Warisay in ay Suura Gal tahay in Al-shabaab ay Weeraro lagu Beegsanayo Goobaha Bulshadu isugu Timaado ay ka Fulin karaan.
Meelaha Halista ugu Badan laga Wajahi karo ayay Safaaraddu ku sheegtay hotellada, Dukaamada Ganacsiga, Baararka laga Cunteeyo, Goobaha lagu Tunto iyo Kaniisadaha Kirishtanku ku Cibaadeystaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment