Kooxda Fadhigeedu yahay dalka Britain ee la socota xuquuqda Aadanaha iyo xaaladaha Syria, oo soo xiganeysa illo ku suggan gudaha Syria ayaa sheegtay in qiyaastii 380 ka tirsan mintidiinta Daacish lagu dilay dagaalka dagaalka kala dhaxeeya ciidamada Kurdiyiinta ee magaaladaasi- oo sidoo kale loo yaqaan Ceynul Carab Difaacayay.Sidoo kale dagaalka waxaa ku dhintay 260 ka tirsan askar Kurdiyiinta iyo 17 qof oo rayid ah.
Weerarka ISIS ay ku heysay magaalada oo bilowday bishii aynu soo dhaafnay ee September ayaa ku qasbay kumanaan kun oo qof oo u badan Kurdiyiinta Syria inay ka talaabaan xadka Turkiga iyagoo naftooda la baxsanaya.
Mareykanka iyo dalal dhowr dal oo ay olog yihiin ayaa sii xoojiyay todobaadkan duqeymo ay ku hayaan baraha ay kaga suganyihiin ISIS magaalada Kobani, si ey u taageeraan ciidamada Kurdiyiinta ee magaalada dhulka ka difaacaya.
Dadka qaadaa dhiga arimaha Syria ayaa aaminsan in boqolaal ka mid ah dagaalyahanadda daacish lagu dilay duqeymaha.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment