Sunday, October 19, 2014

Gabadhii u Horreysay ee Gobolka Maroodi-jeex ugu sharraxan Doorashada Wakiillada oo hankeeda Shaacisay

Hargeysa, 19 Oct, 2014 (Himilo)- Hibaad Maxamuud Huriye oo ah gabadh dhallinyaro aqoonyahan ah, ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan isla markaana ay ka mid noqon doonto murashaxiinta gobolka Maroodijeex ugu tartami doona doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey inay qabsoonto sannadka dambe badhtamihiisa ka dhacdo dalka.
Hibaad1Hibaaq Maxamuud Huriye waxa ay sheegtay inay uga qayb-qaadanayso tartanka doorashada Golaha Wakiillada si ay ugu dhiirri-geliso haweenka dhalinyarada inay ka qayb-qaadaan goleyaasha Qaranka, iyada oo inta la ogyahay noqonaysa haweenaydii u horreysay gobolka Maroodijeex ee shaacisa damaceeda ku aaddan tartanka doorashada Golaha Wakiillada.
Hibaaq waxa ay sidaas ku sheegtay Qoraal kooban oo ay kaga hadashay hankeeda murashaxnimo ee golaha Wakiillada, waxaanu qoraalkan oo warbaahinta la soo gaadhsiisay u qornaa sida tan:- “Anigoo magacaygu yahay Hibaad Maxamuud Huriye, kana mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ee Somaliland, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18/10/2014-ka halkan ka caddaynayaa in aan ahay murashax u tartami doona doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex ee qabsoomideedu u qorshaysan tahay sannadka 2015-ka.
Go’aankan waxaan u qaatay si aan uga mid noqdo dhiig cusub oo Waxtar iyo Horumarba intii awooddayda ah gaadhsiiya Somaliland haddii aan ku guulaysto tartanka murashaxnimadayda Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana aan hormood ugu noqdo haweenwaynaha dalka inay ku dhiirradaan tartanka, dhexdoodana iska taageeraan.
Ugu dambayntii, waxaan ku faraxsanahay in aan noqdo gabadhii u horreysay ee hankeeda murrashaxnimada tartanka Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex ku dhawaaqda. Anigoo Alle ka baryaya inuu ugu guuleeyo, shacabkana waydiisanaya inay ugu taageeraan,” sidaas ayay tidhi Hibaaq Maxamuud.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment