Sunday, October 19, 2014

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Yididiilo-xumo Ka Muujiyey Kulan ay Deeqbixiyayaasha La Leeyihiin Oo Nairobi Ka Dhacaya

Hargeysa:Oct,19,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Rajo-xumo ka Muujiyey Safar ay Saddexda Hoggaamiye Ee Axsaabta qaranka somaliland Magaalada Nairobi Kula yeelan doonaan Dalka Kenya.

faysal caliGuddoomiye Faysal, ayaa sheegay inaan xaalkoodu haatan fiicanayn, balse qaab indho adayg ah ula hadli doonaan Qaadhaan Bixiyayaasha ay la Ballansan yihiin,

“Horta waxaanu la soo kulmaynaa Qolyahaas Doorashada inaga Caawiya.waxaanu ka xunnahay in iyadoo Komishankiina aan la Ansixin, Xeerkiina la soo celiyay uu safarkayagu ku soo beegmo, aad iyo aad baanu uga xunahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid oo warbaahinta la hadlay.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inuu filayay in dhanka Somaliland doorashada laga diyaariyo ka dibna wixii caawimo ah la weydiisto balse ay hadda muuqato inaan Somaliland diyaar ahayn, “Waxaanu filaynay in iyadoo Komishankii la ansixiyay, Sharcigiina la hir galiyay aanu tagno laakiin labadii midna waxba kama suuro galin.waxba ka sii daran in Xeerkiina la leeyahay kii la gudbiyay khalad baa ka dhacay, taasina waxay keenaysaa inaanu weji gabax kala kulano(Qaadhaan bixiyeyaasha).Waxaanuse jecelahay inaanu iskala soo galgalano, maxaa yeelay arimahani waxay dadkaasi ku noqonaysaa waxaan la filayn,markaa waxaanu jecelahay in arintaas wixii nagala soo gudboonaado aanu ka nidhaahno, si aanay u niyad jabin dadkii oo ay dedaalkii u wadaan oo iyaguna dhinacooda hawshii ay wadeen aanay u hakinin” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay inay qaddiyada Somaliland iyo himiladeeda u bandhigi doonaan Diblamaasiyiinta Wadamada Doorashada inaga caawiya.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment