Saturday, October 18, 2014

Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Dhalinyaro taageero u muujiyey Maayarka Hargeysa oo ay wax-qabadkiisa bogaadiyeen

Hargeysa, 18 Oct, 2014 (Himilo)- Xubno isugu jira Siyaasiyiin, ganacsato iyo Dhalinyarada magaalada Hargeysa, ayaa taageero xooggan iyo kalsooni ay xil-gudashadiisa ku majeerteen ku taageeray Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ay kku tilmaameen masuul wax badan ka qabtay adeegyada bulshada iyo bilicda Hargeysa.
001Xubnahan oo shalay Shirjaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ka hadleen khilaaf la sheegay inuu ka dhex-aloosan yahay hoggaanka sare ee golaha deegaanka iyo xubno ka tirsan mudaneyaasha golahaas oo ay ugu baaqeen in wixii khilaaf ah ee jira ay dhexdooda ku dhammaystaan.
Axmed Xaaji Cabdilaahi oo ka tirsan Ganacsatada Magaalada oo ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa sheegay, “Halkan waxaanu iskugu nimid inaanu tageero ballaadhan siinno Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Solteco oo ah Nin Dhalinyaro ah. Sida aynu wada ogsoonahay wax-qabadka ballaadhan ee uu Muujiyay Maayarku Muddadii uu xilka hayay wax halkan lagu soo koobi karo maaha. Maalin dhawayd waxa dhacday inuu Gubtay guri aniga ii dhawi, Markiiba dab-damiska Ciidanka ee dawladda Hoose ayaa soo gaadhay waana ay bakhtiyeen,taasi waa guulaha uu gaadhay Maayirku,” ayuu yidhi ganacsad Axmed.
“Maayir Cabdiraxman Solteco waxa uu dhisay waddooyin aad u badan oo Cidhiidhigii magaalada ee Baabuurta kala yareeyay, arrinkaasina waa in lagu amaano, haddii ay noqoto middi-middi ku taag ay noqoto horumarkii bulshadu filasay meesha ayuu ka baxayaa, laakiin Arrinka meesha yaal waxa weeyaan in la tageero Maayarka oo la joojiyo Khilaafka dib u ridaya horumarkii caasimadu ku talaabsanaysay,”ayuu yidhi Axmed.
Cabdi Risaaq Suudi Nuur Oo Ah musharax Golaha wakiilada ee Doorashada 2015-ka ayaa isna Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimada Somaliland u soo jeediyay inay gudahood ku dhamaystaan wixii khilaaf ah ee jira, waxaana uu yidhi, “Waxaan odhan lahaa Maayarku Intii uu Xilka hayay wuu dedaalay haddii uu wax dhimayna waxa fiican in la toosiyo, laakiin hadii layidhaa Xilka ayaanu kaa qaadaynaa Ma fiicna. Jiciir waxa uu hayay Xilka Shantii Sannaba, Marna xilka lagama qaadin, Kanna waxa qurux badan inuu Xilkiisa dhammaysto, wixii ka khaldana loo hagaajiyo.”
Garaad Cabdirisaaq Daahir oo isna ku hadlayay Magac dhalinyarada, ayaa yidhi, “Waanu leenahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Idimaanaan Dooran inaad is qabsataan, laakiin waxaanu idiin dooranay inaad Maayarka iyo Ku xigeenkiisa ku tageertaan waxqabadka ay bulshada u fidiyaan, Dhamaan Garoonadii Magaalada.”
Waa kale oo halkaas ka hadlay xubno kale oo isugu jira aqoonyahan, ganacsato iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhammaantood soo jeediyey in faro-gelinta laga daayo maamulka goleyaasha deegaanka, waxaanay u soo jeediyeen golaha deegaanka Hargeysa inay khilaafka jira iyo tabashada ay iska tirsanayaan ay dhexdooda ku dhammaystaan, si aanay dhibaato iyo caqabado uga hor iman wax-qabadka bulshadu u igmatay gole deegaan ahaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment