Warbixintan oo ka koobnayd 461-bog, ayaa lagu xusay arrimo ay ka mid yihiin; dagaallada lagula jiro Al-shabaab, Budhcad-badeedda, Maareynta Maaliyadda iyo Jebinta Cuno-qabteynta Hubka ee saaran Soomaaliya.Guddiga ayaa Warbixintooda ku bilaabay in doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo soo afjaridda xilligii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya ay keentay in taageeradii caalamka uu siin jiray Soomaaliya la kordhiyay, si looga saaro meesha musuqmaasuqa iyo dayacnaanta hawlaha Maamulka, balse Guddigu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu dhaxlay Maamul aan lahayn awood uu ku saxo khaladaadkii hore, gaar ahaan Maareynta lacagta iyo Ciidamada Amniga.
Sidoo kale, Guddigu waxay sheegeen in tan iyo markii Warbixintii sannadkii hore ay arrimaha Soomaaliya kasoo saareen ay beesha caalamku dhaqaale badan gelisay dalka, balse ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan Maamul-xumada dalkaas ka jirta, iyaga oo xusay in weli ay Soomaaliya ka jirto xaalad la mid ah tii jirtay xillligii kala-guurka, isla markaana ay musuqmaasuqa iyo isla-xisaabtan la’aantu sare u kaceen.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Ciidammada Amniga dawladda ay weli aamminsan yihiin danaha qabiillada ay kasoo kala jeedaan, waxaanay sheegeen in tani ay keentay inay abuurmaan kooxo isku xidhan oo ka awood badan Xafiisyada dawladda iyo Wasaaradaha qaarkood.
“Arrimahaas iyo kursigu waxay keeneen inay hoos u dhacdo taageeradii ay shacabku u hayeen Xukuumadda talada haysa, ila markaana ay kordheen colaadaha Beelaha u dhexeysa.” ayaa ka mid ahaa qodobbada warbixinta lagu sheegay.
Guddiga ayaa sidoo kale Warbixintooda ku xusay in inkastoo caalamku kordhiyay taageerada uu siiyo Ciidamada ka socda Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay haddana Al-shabaab weli halis weyn ku tahay ammaanka iyo nabadgalyada Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ku guul-darreysatay inay adkeyso awooddii ay lahaayeen sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii, markaasoo ay dhul badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talinasay, balse ay is-beddello kale sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay Maamulka guud ee Ururka gacanta ku dhigaan hoggaamiyeyaasha ugu xag-jirsan, kuwaasoo taageero xooggan ka helaya taageerayaasha Ururka ee ku sugan dalal ay ka mid tahay Kenya.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay qaraxyo ka fuliyeen Muqdisho iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sidoo kalena ay Ciidankooda amniyaadka loo yaqaan oo Sirdoonka Al-shabaab ah ay abaabuleen weerarro heer-sare ah oo ay kooxdani ka fulisay gudaha iyo dibedda dalka, iyaga oo tusaale ka dhiganaya Al-Qaacida oo weerarro kala duwan ka fulisay dalal badan oo caalamka ah.
Guddiga oo dhanka kale kaga hadlay warbixintooda arrimaha gudaha, waxay sheegeen inay jiraan khilaafaad iyo xiisado kordhaya oo halis ku ah ammaanka guud, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda gobolka Sool, halkaasoo ay sheegeen inay ku dagaallameen Ciidamada Somaliland, Maamul-goboleedka Puntland iyo Malleeshiyaad daacad u ah Kooxda Khaatumo.
Xiisadaha gobolka Sool ayay Guddigu sheegeen inay saameyn gaar ah leedahay, iyagoo xusay in dhinacyadan ay isku haystaan Maamullidda gobolka Sool oo hodan ku ah sida ay sheegeen shidaalka.
Waxa kale oo ay Guddigu Warbixintooda kaga hadleen colaadaha gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe oo ay sheegeen in qaar ka mid ah dagaalladaas ay xad-gudub ku yihiin Xuquuqda Aadamaha, gaar ahaan beegsiga dadka rayidka ah.
Guddigu waxay sheegeen in waxyaabaha colaadaha gobolladan ka taagan ay sii hurinaya ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladda Soomaaliya oo Beelahooda si hoose u siinaya Hubka dawladda kuna maal-geliya lacagaha la musuqmaasuqo.
Waxay Guddigu Warbixintooda xuseen in arrintan ay dabada ka riixayso iyadoo Beel walba ay rabto in ay gacanta ku dhigto dhulka si ay uga hesho dhaqaale badan, isla markaana ay awood u helaan saami-qaybsiga iyo siyaasadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay meel sare ka galaan Maamulka, iyagoo xusay in tani ay wiiqi karto dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Guddigu waxay warbixintooda kusoo qaadeen arrimaha Budhcad-badeedda oo ay sheegeen in ay sannadihii lasoo dhaafay hoos u dhaceen afduubyadii Maraakiibta, balse sababihii Budhcad-badeedka dhaliyay ay weli taagan yihiin, oo ay dhici karto inay dib u soo laabtaan mar kale, iyagoo xusay in inkastoo la xidhay qaar ka mid ah Budhcad-badeedda, haddana ay weli dibedda si xorriyad ah ku joogaan hoggaamiyeyaashoodii, iyadoo aanay cidina waxba odhanaynin.
Musuqmaasuqa dawladda Soomaaliya oo Guddigu ay warbixintooda kusoo qaadeen ayay xuseen inuu weli jiro musuqmaasuq baahsan, meelaha qaarkoodna uu sii batay, xadhkahana goostay, iyagoo intaas ku daray in lacagaha lagu bixiyo waxyaabaha aan munaasibka ahayn ay 80%-kiiba ka tahay hantida Qaranka, sidoo kalena lacagaha la lunsado lagu bixiyo dano gaar ahaaneed iyo arrimo Xisbi.
Warbixinta ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeysay inay weli sii waddo wax-is-daba-marintii ay wadeen dawladihii ka horreeyay, isla markaana ay tan iyo badhtamihii sannadkii hore ee 2013-kii ay sii kordhiyeen inay saxeexaan heshiisyo iyo qandaraasyo qarsoodi ah oo aanay cidina la ogeyn, kuwaasoo xitaa laga qariyo Baarlamaanka, Shacabka iyo Beesha caalamka, taasoo albaabbada u furtay bay yidhaahdeen lunsiga hantida Qaranka.
Guddigu waxa kale oo ay warbixintooda ku xuseen inay jiraan kooxo iyo xulufo si gaar ah uga macaasha musuqmaasuqa oo si hannaanka dawladnimo ka baxsan ugu takri-fala awoodda dowladda federaalka Soomaaliya.
Gebogabadii Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in Bangiga dhexe ee Soomaaliya uu 70% lacagaha ku bixiyo hannaanka loo yaaqaanno:– ‘Fadlan sii hebel lacagtaas’ - kaasoo ay sheegeen inuu yahay mid dawladnimada baal-marsan, isla markaana aan lacagtaas lagu qorin Xisaabaadka dawladda, iyagoo xusay in Guddoomiyaha Baanka Dhexe aanu waxba ka ogeyn waxa lagu sameynayo lacagaha lagala baxo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment