Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo maanta safar ugu baxay dalka Kenya
Hargeysa (Himilo)- Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa maanta socdaal dhowr maalmood qaadan doona ugu amba-baxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Somaliland ka caawiya Doorashooyinka.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaah ka bixiyey ujeeddada uu daarran yahay safarkoodu ka hor intii aanay ka amba-bixin garoonka diyaaradaha ee Egal Internetional Airport.HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/10/COD.mp3"][/audio]
Himilo.com
No comments:
Post a Comment