Monday, October 20, 2014

Maraakiibta Kenya Oo Duqaysay Deegaano Al-shabaabku Kaga Sugnaa Gobolka Jubada Hoose ee Somalia

Kudhaa:Oct,20,2014(Himilo)-Sida ay sheegayaan wararka saaka laga Helayo Jasiirrda Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose ee Somalia, ayaa sheegay in Maraakiib Kenya laga leeyahay oo xeebta ku sugan ay garaacen Goobo fadhiisimo u ahaa Xarakada Al-shabaab.

warshDuqeyntan ay geysteen Maraakiibta dagaalka dalka Kenya ayaa waxa ay dhacday shalay galab iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka Kenya ay qayb ka ahaayeen duqeynta Jazeerada Kudhaa lagu garaacaay.

Dadka Jazeerada Kudhaa ku nool, ayaa kusoo waramaaya in Khasaare dhimasho iyo dhaawac Shabaab ay kasoo gaadhay duqeyntaasi oo waxaa lasoo sheegayaa in Isbitaalka Jazeerada la dhigay ciidamo ka tirsan Shabaab oo dhaawac ah.

Sidoo kale waxaan la ogaan karin khasaaraha dhimashada inta uu la eegyahay ee Shabaab kasoo gaadhay duqeyntaasi, maadaama Shabaab ay badi qarsadaan dhibaatooyinka kasoo gaadha duqeymaha ciidamada Amisom ay u geystaan.

Dadka Jazeerada Kudhaa ku nool, ayaa shalay ilaa xalay waxa ay ahaayeen kuwa cabsi ku joogay, iyaga oo ka cabsi qabay in Maraakiibta Dagaalka Kenya markale ay duqeyn kusoo garaacaan Jazeerada Kudhaa.

Al Shabaab dhankooda wax war ah kama soo bixin oo ay kaga hadlayaan duqeynta ka dhacday Jazeerada Kudhaa iyo khasaaraha dhankooda kasoo gaadhay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment