Sida ay Wakaalada Wararka caalamku ka soo xigteen Saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda Nigeria, waxay dawladda iyo Boko Xaram wada gaadheen heshiis xabbad-joojin ah oo deg-deg loo hirgeliyo, Saraakiil Sar-sare oo Ciidammada Nigeria ka tirsan, ayaa laga soo xigtay oo sheegay in Taliyaha Difaaca Air Marshal Alex Badeh ku amray inay si deg-deg ah u dhaqan-geliyaan heshiiska xabbad-joojinta ah ee ay dawladdu la gashay Kooxda Boko Xaaraam.Wararka ka imanaya Nigeria ee Wakaaladaha caalamku faafiyeen xalay, ayaa intaas ku daraya in heshiiska laba-geesoodka ah ee ay Boko Xaaraam iyo dawladdu kala sexeexdeen dhigayo in Boko Xaaraam siidayso Hablo tiradoodu ka badan tahay Laba Boqol oo Gabdhood oo Ciyaala-iskuul ah oo ay lix bilood ka hor kooxdu Qafaasheen.
“Labada dhinacba waxay sexeexeen heshiiskan oo dhigaya inaanu jiri doonin wax weerarro ah oo dhinacna dhinaca kale ku qaadi doonaa, inay dawladda Nigeria joojiso dagaallada iyo weerarrada ay ku qaadaysay goobaha Kooxdu joogto, Kooxduna waxay joojin doontaa weerarrada tooska ah iyo kuwa ay Bambaanooyinka iyo Qaraxyada ay ku weerarto dawladda iyo Goobaha Shidaalka iyo Shacabkaba. Dawladdu ma weerari doonto goob kasta oo ay Boko Xaaraam ku xooggan tahay.” Sidaa waxa yidhi oo soo weriyey Weriyaha Telefeshinka Al-Jaziira uga warrama magaalada Lagos ee dalka Nigeria Mutasa Sa’id.
Waxaanu intaas ku daray inay Kooxda Boko Xaaraam doonayso inay aad isaga hubiso hirgelinta Shuruudaha heshiiska ay dawladda la gashay, heshiiskaas oo uu ku jiro shuruudaha dhinaca Boko Xaaraam doonayso in loo fuliyo in la sii daayo Hoggaamiye sare oo Kooxda ka tirsanaa oo ay Ciidammada dawladdu hore gacanta ugu dhigeen, isla markaana ay dawladdu Xabsi ku hayso.
La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Nigeria Good Luck Jonathan, oo lagu magacaabo Doyin Okupe, ayaa Al-Jazeera u sheegay in heshiiskaas la gaadhay Jimcihii shalay oo si rasmi ah ay labada dhinac u wada saxeexeen, ka dib markii ay dhex-dhexaadisay dawladda Chad ee Jaarka la ah Nigeria.
Waxa uu La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynuhu intaas ku daray inuu heshiiskaasi yahay mid muhiimad wayn ugu fadhiya dawladda iyo dadka reer Nigeria, kaasoo qodobka ugu faa’iidada badan ee heshiiska ku jira ku sheegay in Boko Xaaraam aqbashay inay sii-dayso 219 Gabdhood ee Ciyaala-iskuulka ahaa ee ay lixda bilood afduubka ku haystaan Bariga Waqooyi ee dalka Nigeria.
“Heshiiskaas dawladdu way la saxeexatay Kooxda Boko Xaaraam, waxaanay dawladdu ballan-qaadday qodobbo badan, waxay sidaas u yeeshayna waa muhiimadda siiddaynta 219 Hablood ee ciyaala-iskuulka ahaa.” Sidaa ayuu yidhi La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Nigeria, Doyin Okupe oo Al-Jazeera la hadlay oo ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo heshiiskaas ay dawladdu Boko Xaaraama la gaadhay, balse sidoo kale La-taliyuhu ma sheegin wakhtiga rasmiga ah ee Kooxdu sii-daynayso Gabdhahaas.
Dawladda Nigeria, Qaramada Midoobay, Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda, Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka, ayaa si kulul oo isku mid ah u cambaareeyey afduubka ay Kooxda Boko Xaaraam kula kaceen Gabdhaha yaryar ee Dugsiga dhiganayey, isla markaana waxa loogu baaqay inay sii daayaan kooxdu, inkasta oo ay ku hanjabeen Boko Xaaraam inay Gabdhahaas layn doonaan haddii lagu weeraro goobaha ay ku hayaan ee Waqooyiga Bari ee dalkaas, taasoo meel ay ka maraan dawladaha caalamka iyo Nigeria-ba ay ku adkaatay, iyagoo sidoo kale kooxdu ku hanjabay inay Ganacsi ahaan u iibin doonaan Hablahaas.
Waalidiinta Hablahan dhalay iyo inta badan dadka reer Nigeria oo aad uga murugaysan mustaqbalka nolosha Hablohooda waxbarashada ku jiray, ayaan joojin muddaharaadyo joogto ah oo ay ku dalbanayeen in Gabdhahooda loogi sii daayo, iyadoo ay dawlado badan oo caalamka ah oo Faransiiska, Maraykanka iyo kuwo kale ka mid yihiin ka qayb-qaatay gurmad loo galay sidii loo soo furan lahaa Gabdhahaas Boko Xaaraam Afduubeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment