Saturday, October 18, 2014

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si siman ma ugu caddaalad-fashaa Dabaqadaha bulshada Somaliland?

Wasiirka Madaxtooyada oo la weydiiyey Caddaalad-falka Xukuumadda iyo Sababta Hadal-hayntiisu ugu badatay bulshada

Hargeysa, 18 Oct, 2014 (Himilo)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa caddaad-darrooyin inta badan lagu eedeeyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay ay u nisbeeyey kalsooni-darro dadku ka qabaan xukunnada iyo go’aamada ka soo baxa garsoorka iyo hay’adaha kale ee dalka, haseyeeshee ay xukuumad ahaan shacabkoodu u siman yahay isla markaana si isku mid ah ay ugu caddaalad-falaan inta awooddooda ah.
XIRSIWasiirka Madaxtooyadu waxa uu ku dooday inaan toosnaanta iyo caddaalad-falka xukuumaddooda lagu qiimayn karin indhaha siyaasiyiinta iyo dadka mucaaradka ku ah hoggaamintooda oo uu ku tilmaamay qaar kursiga iyo talada dalka ka riixanaya sidaas awgeed cidda kaliya ee dareen ahaan ka garsoor ka noqon kartaa ay yihiin dadka shacabka ah.
Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu ka hadlay sababta horseedka u noqotay inuu magac ahaan iyo hadal-hayntiisu ka xoog-badato siyaasiyiin iyo shakhsiyaad mansab ahaan iyo siyaasad ahaanba uga dubaalad dheer oo ay kuwada-jiraan xukuumadda Xisbiga Kulmiye.
Wasiirka Madaxtooyada oo wakhtigan ku sugan dalka Ingiriiska oo isaga iyo wefti wasiirro ah oo madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo socdaal shaqo ugu joogaan magaalada London, waxa uu arrimahan ka ga hadlay waraysi uu siiyey telefishanka HCTV xafiiskiisa London.
Wasiirka Madaxtooyada oo ugu horeyn la weydiiyey su’aal nuxurkeedu u dhignaa, haddii uu aaminsan yahay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay si siman ugu caddaad samayso hooyada tammaandhada iibisa cashuurta laga qaado, maal-qabeenka iyo ninka siyaasiga ah, waxa uu ku jawaabay, “Nacam, waxaan aaminsanahay inaanu caddaad u samayno inta awooddayada ah, laakiinse caddaaladda waxa la yidhaahdo waa shalay qof dacal iska taago. Adigoo caddaaladdii sameeyey, ayaa qofkay ku foorartaa aanu u arag in caddaalad loo sameeyey oo laga eexday. Iyadoo laba qof tartan baa kii wax helay uu u arkaa inuu caddaalad wax ku helay, kii wax waayeyna uu u arkaa inuu caddaalad-darro ku waayey. Caddaaladda waxa la yidhaahdaa waa Systemka (Nidaam). System-kii caddaaladda samaynayey ma jiraa? Sistamkiina waanu samaynay, eexanna mayno oo Illaahaybaa nagu og. Waxaanu dadkayaga ugu shaqaynaynaa sidii dantooda iyo mustaqbalkooda iyo waddankoodu ku jiro ayaanu ugu shaqaynaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu, waxaanu hadalkiisa intaas ku ladhay oo yidhi, “ Laakiinse, lanagu eegi maayo indhaha ka naga soo horjeeda. Ka naga soo horjeedaa mar walba wuxuu leeyahay caddaalad lama samayn, ka kursigayaga doonayaa inuu kursigayada ku fadhiistoo mooyee wax kale ku qanci maayo, laakiinse cidda wax kala xukuntaa waa dadweynaha. Waxaan aaminahay dadweynaha (Public) inaanu u qabannay shaqadooda.”
Wasiirka oo mar kale la weydiiyey su’aal u dhignayd. “Dhinaca siyaasadda, waxaad noqonaysaa Arday marka laguu eego siyaasiyiintii kaaga soo horreysay masraxa, haddana waxaad tahay wasiirka loogu hadal-haynta badan yahay, maxaad isleedahay waad ku mutaysatay hadal-hayntaas?” Waxa uu ku jawaabay, “Hadal-hayntu, runtii maaha cay. way dhacdaa qofka in lays weydiinayo kartidiisa, aqoontiisa, milgihiisa, maamuuskiisa iyo wax-qabadkiisa. Waa suurta-gal in qaarkood diiddan yihiin, waa suurta-gal in qaarkood ka soo horjeedaan, markaa hadal-hayntu noocyo badan bay leedahay. Hadal-haynta waxaan bandhig u noqday markaan Position-ka (xilka) tagay, markaa kama gubto in lay hadal-hayo, mase aaminsani wax xun baa lagugu hadal-hayaaye, waxaan aaminsanahay wax wanaagsan baa laygu hadal-hayaa, imana dhibto mid icaayaayoo, xilka anigaa soo doontay inaan umadda xil u qabto. Laakiin laga yaabaa inaanad jeclaysan; qofna cayda, aflagaaddada iyo ceebaynta ma jeclaysto oo dabeecadda ayaa sidaas ah, laakiinse dul iyo dhabar aanu ku qaadno ayaanu leenahay kuwa wax-ma-garatada ah ee na caayaya eenu u shaqaynayno. Kuwa cabasho ama tilmaan gaar ah sheegayana waanu ka qaadanaynaa oo waanu dhegaysanaynaa,” sidaas ayuu yidhi Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Haseyeeshee, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu waxa uu ka war-wareegay tiroba dhowr jeer oo wariyuhu ku cel-celiyey waxa uu shakhsi ahaan ku mutaystay hadal-haynta uu kaga duwanaaday masuuliyiinta kale ee xukuumadda, waxase uu u nisbeeyey in xilka iyo masuuliyadda uu bulshada u hayo sabab u tahay arrintaas. “Dabcan xilkaaba leh…masuuliyaddaaba leh,” ayuu ku jawaabay Wasiirka madaxtooyada.
Waxa kale oo Wasiirka madaxtooyadu xog-warranka uu siiyey telefishanka HCTV kaga hadlay muhiimadda shirkii Maalgashi ee magaalada London ka dhacay todobaadkii hore uu u leeyahay Somaliland oo uu sheegay inuu ahaa,. Marka laga yimaaddo dhaqaale iyo maalgashi dalku ka helo, dariiq indhaha u furaya dedaallo xukuumaddu ugu jirto aqoonsi caalami ah oo Somaliland beesha caalamka ka hesho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment