Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, digreeto xil-ka-qaadis iyo magacaabis isugu jirta oo caawa uu soo saaray, waxa uu Badhasaab cusub u magacaabay gobolka Buuhoodle ee Somaliland oo aan hore u lahayn maamul firfircoon oo shaqeeya, waxaanu xilkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolkaas.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiyaha cusub ee Gobolka Buuhoodle u magacaabay masuul cusub oo la yidhaahdo Cismaan Ciise Maxamed, waxaanu dhinaca kale xilkii ka qaaday badhasaab ku-xigeenkii gobolkaas Cabdiqani Cabbaas Muuse.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:- waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014,
Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu Gudoomiye Cusub u magacaabay Gobolka, halka Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga qaaday aan weli la soo magacaabin masuul buuxiya madaxweynuhuna uu dib ka soo magacaabi doono.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu ku qancay: In uu hanan karo xilkan;
Wuxuu go’aamiyay
In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle
Mudane,
Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
No comments:
Post a Comment