Friday, October 10, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Golaha Wakiillada u gudbiyey Xubinta Xisbiga Waddani oo maanta loo gudbiyey

Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray ku faafiyey wareegto uu Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ugu gudbiyey xubinta Xisbiga Waddani ee guddiga Doorashooyinka oo xisbigu maanta u gudbiyey Md Siilaanyo, ka dib markii uu madaxweynuhu tiraba laba jeer dib ugu celiyey Dr Maxamed Cabdi Fadal oo ay u xusheen inuu uga mid noqdo Komishanka Doorashooyinka.

madaxweyne-siilaanyo3War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Golaha Wakiillada u gudbiyey xubinta ka dhinnayd todobada xubnood ee guddiga doorashooyinka oo lix ka mid ah uu hore ugu gudbiyey

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2818/102014          ,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubintii todobaad ee Xisbiga Waddani soo bedelay.

Ku:      Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL                                                         

Ujeedo: Soo Gudbin Xubintii Ka Dhinnayd Guddida Cusub ee Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa tiraba laba jeer dib ugu celiyey xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal oo xisbigu u xushay xubintooda Komishanka doorashooyinka, isaga oo madaxweynuhu go’aankiisa ku sababeeyey inaanay xubintaasi buuxin shuruudihii looga baahda xubnaha ka mid noqonaya guddiga Doorashada.

Maxamed Cismaan Fadal, ayaa laba todobaad ka hor iska casilay xubnimada xisbiga Waddani oo ka mid ahaa iyo xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda oo uu xisbiga ka hayey, ka hor intii aanu xisbigu u xulan xubintooda guddiga doorashooyinka, iyada sababtaasi tahay tau u madaxweynuhu u tix-raacay go’aanka uu labada jeer dib ugu celiyey. Arrintaas oo xisbiga Waddani ku kalliftay inay magacaabaan xubin cusub oo uga mid noqota guddiga doorashooyinka oo lagu magacaabo , Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal), kaas oo ay maanta u gudbiyeen madaxweynaha.

Himilomedia.com

Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment