Hargeysa, 11 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay dalka ka dhoofay, isla markaana u ambabaxay Ingiriiska, halkaas oo uu sheegay inay kaga qaybgalayaan Shir 14-ka bishan ka furmaya magaalada London oo lagaga hadlayo Maalgashiga iyo Ganacsiga dalka Somaliland.
Madaxweynaha oo ay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayey sii sagootiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiinta Xisbil-xaakimka KULMIYE, Xildhibaanno iyo Xubno kale, ayaa intii aanu dhoofin waxa uu Warbaahinta ugu sii warramay Qolka Madaxda ee Madaarka Hargeysa.Waxa uu Madaxweynuhu Shirka Jaraa’id ee uu ku sii qabtay qolka Nasashada garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaga hadlay Shirka ay ka qaybgalayaan oo uu sheegay in lagu casuumay, Shir Soomaaliya bisha dambe loogu qabanayo Denmark oo ay Weftiyo maalmihii u dambeeyey Hargeysa kula kulmayey oo Midawga Yurub iyo dalalka reer Yurub ka socday kala hadlayeen inay Somaliland ka qaybgasho iyo go’aankiisa Madaxweyne ahaan in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.
“Waxaannu maanta (shalay) ugu ambabaxaynaa aniga iyo Weftiga ila socdaa dalka Ingiriiska, halkaas oo nalagu marti-qaaday inaannu ka qaybgalno shir ku saabsan maalgashiga Somaliland oo aan rejaynayo inuu wax weyn oo midho-dhal ah u noqdo dadka iyo dalka Somaliland, waxaan aad ugu faraxsanahay inaannu ka qaybgalno Shirkaas isaga ah, halkaas oo aannu ugu soo bandhigi doonno dawladda Ingiriiska iyo cidda diyaarinaysa Shirkaba waxyaabaha Somaliland ka suurtagala, Baahiyaha dalka iyo waxa midho-dhal iyo maalgashi u noqon kara intaba aannu ka dhaadhicin doonno Insha Allaahu Tacaalaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sii sharraxaya Shirkaas iyo waxa uu ka rejaynayo iyo muhiimadda uu u arko inuu Somaliland u leeyahay-ba waxa uu yidhi; “Waxaan rejaynayaa inuu shirkaasi noqdo mid wax tar wayn u yeesha Maalgashiga Somaliland iyo in dhulkeenna la maalgeliyo oo Dhaqaaleheenna hore loo mariyo. Shirkaas waxa ka qaybgeli doono dad badan oo Maalgashiga wax ka garanaya, Ganacsato badan iyo Maalgashadayaal badan, waxaanan rejaynayaa inuu mid wax tar wayn u noqda dalkeenna uu noqdo.”
Madaxweynaha oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Mawqifka ay Xukuumaddiisu ka qabto Shir dhawaan Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Copenhegan ee dalka Denmar oo ay Wufuud Midawga Yurub ka socdaa toddobaadyadii u dambeeyey kala hadlayeen Madaxweyne ahaan inay Somaliland shirkaas ka qaybgasho lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Shirkaa iyada oo annaga gooni naloo casuumo oo sidayada naloo casuumo mooyee shir aannu kaga qaybgalayno annagoo qayb Soomaaliya ka mid ahi ma jiro. Waxaannu kaga qaybgalaynaa haddaannu ka qaybgalayno annaga oo Somaliland ah.”
Sidoo kale, mar Madaxweynaha Somaliland la weydiiyey in Xisbiyada Mucaaradka ahi marar badan walaac ka muujiyeen inay Xukuumaddu doonayso in doorashooyinku wakhtigooda ka dib-dhacaan, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada ee Badhtamaha sannadka soo socda u qorshaysan inay qabsoomaan iyo inay Madaxweyne ahaan ka go’an tahay in doorashadu xilligeeda qabsoonto, waxaanu ku jawaabay oo yidhi; “Doorashadu xilligeedii bay ku dhacaysaa, wax ka beddelayaana ma jiraan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment