
Shirkan oo noqonaya kii labaad ee noociisa loo qabtay sahaminta kheyraadka Soomaaliya, waxa soo qaban-qaabiyey shirkad laga leeyahay waddanka Ingriiska oo lagu magacaabo Soma Oil & Gas, taas oo ogolaanshiyo u haysata baadhis shidaalka ku duugan dhulka xeebaha ee dalkaasi Soomaaliya. Shirkaddan ayaa sannadkii hore dawladda Federaalka ee Soomaaliya heshiis kula gashay inay kacaawiso ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee ku duugan dalkaas, waxaanay ilaa wakhtigan sahamin iyo baadhis xagga Cirka ah ku samaysay dhul cabbirkiisu dhan yahay 20,500 KM oo ka mid ah dhulka xeebaha ee Soomaaliya, kaas oo ay ku kharas-garaysay adduun dhan $ 37 Milyan.Guddoomiyaha Shirkadda SOMA OIL & GAS, Rober Sheppard, ayaa yidhi, “Hawlihii aanu wadnay sannadkii hore waxa ka dhashay natiijo annaga iyo dawladda Soomaaliyaba qancisay. Waxaanu immika xoogga ku saaraynaa shirkan inaanu diyaarinno macluumaadkii aanu soo ururinnay. Shaqadayada wakhtigan, annaga oo taageero ka helay dawladda Soomaaliya, waxa ay soo dhawaysay daneeyayaal badan oo xiisaynaya kheyraadka Soomaaliya, shirkad ahaanna waanu sii wadi doonaan taageerada aanu siinayno dawldda Soomaaliya si ay kheyraadka dalkooda uga faa’idaystaan,”
Dhinaca kale, Wasiirka Baatrool iyo Macdanta ee Soomaaliya oo ka hadlayey shirka todobaadka dambe lagu qabanayo magaalada London, ayaa yidhi, “Waxaanu aad ugu faraxsannahay sida loo danaynayo kheyraadka Shidaalka iyo Gaasta Soomaaliya sida laga dheehan karo shirkadaha marti-qaadka loo fidiyey ee ka soo qayb-galaya shirka. Wasaaraddu waxa ay soo dhawaynaysaa shirkadaha ku habboon ee danaynaya kheyraadka Soomaaliya, waxaanan jeclaan lahaa inaan ku dhiirri-geliyo qaban-qaabiyeyaasha iyo shirkadaha kale ee ka soo qayb-galaya fursaddan muhiimka ah.
Si kastaba ha ahaatee, shirka loo qabanayo maalgashiga kheyraadka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabanayo shir maalgashi oo dawladda Ingiriisku u qaban-qaabisay Somaliland, kaas oo lagu wado inuu magaalada London ka furmo 14-ka bishan. Shirkan waxa lagu mari-qaaday oo ka qayb-galkiisa shalay ugu amba-baxay dalka Ingiriiska, madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment