Tuesday, October 7, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka qaybgalay Munaasibad Loo Sameeyey Cutubyo Katirsan Ciidanka Badda oo Tababar Ka Helay Dhiggooda Britain

Berbera:Oct,07,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Maanta cutubyo katirsan Ciidamadda Badda somaliland u soo xidhay Tababar laba toddobaad socday oo qaateen, kaas oo ay Bixinayeen Ciidamadda Badda Waddanka Britain.

cutuMunaasibaddan oo ka dhacday Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil, ayaa waxa kasoo qaybgalay           Saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Badda Somaliland, madaxda Gobolka Saaxil xukuumadda u qaabilsan iyo waliba Xubnihii Madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisii uu ku tegay Magaalada Berbera.

Taliyaha Ciidanka Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw-cismaan oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay saldhiga Ciidanka Badda ee Berbera ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha, isagoo tilmaamay inaanu kani ahayn tababarkii ugu horreeyey ee Ciidamadda Badda Ingiriisku siiyeen kuwa Somaliland,

“Mudane Madaxweyne waxaa farxad noo ah inaad nagala soo qayb gasho Xidhitaanka tababarada sanad laha ah ee ay na siiyaan Ciidamada ka tirsan Ciidanka Royal Marine-ka ee Ingiriiska, waasanadkii 3-aad ee ay na siiyaan tababarkan waana mid adiga kula kawsaday oo ku wajahan siyaasaddaada xukumiga ah ee Horumarinta Ciidanka Xeebaha” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha.

Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib u kicitimay Gudaha Markabkan oo uu halkaasi kula kulmayo Saraakiil Militari iyo diblamaasiyiin Ingiriis ah islamarkaana lagu qabanayo Munaasibada qalin jabinta Askarta Somaliland.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment