Djibouti, 07 Oct, 2014 (Himilo)- Ciidamada Cirka ee dalka New Zealand oo kaashanaya Ciidamada Badda ee Australia oo qayb ka ah hawl-gallada Caalamiga ah ee lagula dagaalamo budhcad-badeedda, ayaa gacanta ku dhigay markab laga soo buuxiyey Shan tan iyo Badh ah Maandooriyaha Xashiishadda oo ku safrayey Badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow xeebaha dalkaasi Soomaaliya.
Waxa ay labada ciidan gacanta ku dhigeen inta 5,558 Kg oo xashiishad ah, taas oo marka laysku daro qiimaheedu noqonayo 300 Milyan oo Dollar, sida ay sheegeen ciidamada Badda ee dalka Australia.
Ciidamada New Zeland iyo Australia oo qayb ka ah hawl-galka Caalamiga ah ee sugan biyaha badweynta Hindiya oo xeebaha Somalia qayb ka yihiin, waxa heleen markab ay saaran tahay 250 Kiish oo xashiishad ah, taas oo si qarsoodi ah loo tahriibinayay, haseyeeshee lama sheegin meesha loo waday iyo meesha ay ka timi saanadda xashiishadda ah ee lagu qabtay xeebaha dalkaasi Soomaaliya.
“Ma xusuusan karo wakhti iigu dambaysay inaan ka qayb-qaato hawlgal lagu qabto maandooriye, waligayna ma arag xaddi intan le’eg oo la qabtog,” sidas waxa yidhi sarkaal ka tirsan ciidamada Cirka ee dawladda New Zealand.
Xaddiga Maandooriyaha lagu qabtay hawl-galkan, ayaa lagu tilmaamay tiradii ugu badnayd ee Xashiishad ama maandooriye lagu qabto xeebaha dalkaasi Soomaaliya.
Biyaha Badweynta Hindiya iyoi gacanta Cadmeed eek u beegan xeebaha dalkaasi Soomaaliya, waxa ka hawl-gala ciidamo ka kala socda in ka badan 30 waddan oo badankoodu qaaradda Yurub ka socdaan, kuwaas oo ka qayb-qaata hawl-gal caalami ah oo lagula dagaalamo budhcad-badeedda oo khatar gelisay isu-socodka ganacsiga maraakiibka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment