“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’
Gud-gude, Hadraawi, 1990kii
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.com
14/10/2014ka, Hargeysa
Qormadii: 4aad
Waa yahay. La soo hubi in cadawgii oo oodihiisii jiidanayaa goobtaa Qol-buulalle isugu habar-wacday. Ka dib maxaa dhacay markii sahankii SNM dib ugu noqday ciidammadii soo diray? Aynu ku noqonno Yuusuf Meydal Cumar, waxaanu intii hore ku ladhay:
”Waxay nagu soo noqdeen 11kii saacadood ee subaxnimo. Waa 17kii Oktoobar 1984kii. Maalintu Arbaca ayay ahayd. Ibraahin Kood-buur iyo Lixle Ururka 1aad ayay ku maqnaayeen. Xogtii sahan in ay taliyayaashu qaataan la is-lama haleelin. Saacaddii weerarku nagu soo beegnaa markii ay ahayd ayuu Lixle soo gaadhay ciidankii. Gaadhigii ay la socdeen oo markaa meesha la yidhaahdo Celiya saad nooga soo qaaday iyaga oo Ururkii 1aad badhna soo qaaday badhna soo lugaynayaan, ayaa markii gaadhigii Lixle dhigay ee Ibraahin Kood-buur la noqday ay xabbaddii ugu horreysay ee ay soo rideen oo Jiib ahayd qabsatayna gaadhigii Ibraahin Kood-buur la noqday siigadiisii. Sahankayagii oo is-na xabbaddii ku riday ayaa xigtay.”
Markaa xilligaa dareenkii aanu ku sugnayn wuxu ahaa difaacii hore oo aanu ku kala jirno uun mooyaane, ayaanaan saacaddaa aamminsanayn in ay na soo weerarayaan. Dareenkaa ma aanu qabin. Haa…kooxdayadii sahanku in kasta oo aanay haleelin in ay madaxdii u warramaan haddana annagu waanu ogsoonayn in ciidankii cadawgu Qol-buulalle isku soo urursadeen.”
Si aynu sheekada uga boganno, bal Mujaahidkeenni Yuusuf Meydal Cumar waxoogaa tafaasiil ah ha inaga siiyo ciidankii SNM iyo sidii uu u habaysnaa, waxaanu ku yidhi muddaakaradiisii dheerayd:
“Ciidankayaga tiradiisa guud waxay ahayd 350 Mujaahid. Waa ciidankii Guutadii Sayid Cali dhammaanteed. Marka laga reebo Ururkii 1aad oo murankaasi ka dhex oognaa, jiidda hore ee difaaca waxa ku sugnaa ilaa 200 oo Mujaahid. Difaaca waxaanu kaga jirnay laynka woqooyi ee waddadii Qaaxo oo kale ah. Ururkii 2aad iyo qayb ka timid Ururkii 1aad difaaca hore ayay ahaayeen. Ururkii 3aad oo Lixle Taliye-urur u ahaa laba ayuu u qaybiyay. Badh u noqdo xoojin Ururka 2aad oo bidixda ama galbeedba xigay, badhka kalena ciidankii bariga ka dagaallamayay xoojin u noqdo oo ka ilaaliyo wixii dhabar-jebin ku imanaya. Lixle oo isla markaana Taliye-guuto noo ahaa wuxu raacay Ururkiisii 3aad qaybtii xoojinta galbeedka looga dhigay.”
Siduu ku bilaabmay weerarku?
Malaha dhareerka ceshan kari meysaane, aynu Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar ku noqonno is-na Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’, waxaanu yidhi:
“Weerarka cadawgu galbeed ayuu naga qabsaday oo tuulada Kun-gaws ayay ka soo dhaqaajiyeen. Qaybtii halkaa ku sugnayd oo Lixle la joogay ayay la soo kaceen oo difaacii wajahadda hore is-ma ay qaabbilin. Iyada oo ta Alle qornayd waa sababta ay Lixle iyo qaar kaleba maalintaa u dhimanayaan. 1.17 daqiiqadood oo gelinkii danbe ah markii aanu halkaa isku haleellay iyagu waxa ay isu qaybiyeen saddex raac: 1aad, 2aad iyo 3aad. Wuxu qorshahoodu ahaa oo ay ku soo talo-galeen in ciidankan Sayid Cali oo ahaa cududdii ugu adkayd ee SNM aanu mid ka bixin oo ay halkaa ku burburiyaan. Ballan-qaadka ay qabeen wuxu ahaa haddii ay soo guulaystaan ama ciidammada Mujaahidiinta ay gacanta ku soo dhigaan in askarigiiba ama sarkaalkiiba laba darajo la dallacsiinayo.”
Maalintaa markii aaan Yuusuf Meydal Cumar wareysanayay waxa iyaguna nala joogay Mujaahid Diiriye Cabdillaahi Yuusuf (Diiriye-gaab) iyo Mujaahid Maxamuud Cabdi Xasan (Quulle). Intii uu Yuusuf Meydal Cumar oo qudhiisu ku dhaawacmay maalintaasi I lahaa 1.17 daqiiqadood, saaxiibbadii waxay ka hoos lahaayeen 1.15 daqiiqadood. Waxay ku muransanaayeen laba daqiiqadood. La iskuma hayn maalinta, taariikhda, goobta iyo sannadka midna. Waa Mujaahidka iyo caadadii. Intuba waxay ku xardhanaayeen korkooda. Jidhkooda ayay taariikhda iyo saacadduba ku qornaayeen. Xubnahooda go’ay ee ay hureen ayay ku xusuusanaayeen. Dhiiggooda iyo dheecaankooda ayay maalmaha iyo saacaduhuba dhex socdeen.
Ma xigtaa tuduc hore loo yidhi oo magac ku jiray, ma ku beddeshaa saaxiibkay Quulle oo ma idhaahdaa:
“Quulloow hadday doonayaan, dulucda taariikhda,
Ha dayeen dushaaday ku taal, diillin keydsaniye,”
Beyddadkan isirkooda Siciid Saalax Axmed ayaa lahaa oo waxay ahaan jireen:
“Deeqaay hadday doonayaan, dulucda taariikhda,
Ha dayeen dushaaday ku taal, diillin keydsaniye,”
Idinka oo raalli iga ah, bal aan Yuusuf Meydal Cumar xusuustiisii dihineyd godol kale ugu laabto, waxaanu yidhi:
“Raacii 1aad ee cadawga ayaanu foodda is-darray. Markiiba waanu la kacnay oo jebinnay. Raacii 2aad ayaanu casarkii is-gallay is-na waqti badan naguma qaadan in aanu cagta marinno, kabahana ka subkanno. Raacii 3aad ee cadawga gabbalkii ayaa iskugu kaaya dumay. Ilaa cawayskii markii ay saacaddu ku sugnayd ilaa 8dii habeennimo waanu dagaallamaynay. Khasaarihii na soo kala gaadhay wuxu si fiican oo tifaf-tiran ugu xardhanaa warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa.”
Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar oo aan muddaakarooyinkaa aan marna kala jarin oo iskii u daalay, malaha harraadna hayay oo aannaan biyaba haleelin, ayaan ku idhi ugu danbayn xusuustaadan maxaan kaa guntaa hadal, waxaanu ku soo gunaanaday:
“Xaalad dagaal marka aad ka warramayso qofba waa inta uu ka arkayaa ama halka uu kaga sugan yahay. Qof dhacdooyinka goob-joog u wada noqon karaa ma jiro. Maalintaa waxa xusuus gaar ah ii lahaa dhaawicii halista ahaa ee iga soo gaadhay dagaalkaa.”
Maalintaa aan wareysiga qaadayay, Diiriye Cabdillaahi Yuusuf is-na midh iyo laba mahadhooyinkiisii ka mid ah oo aan ka guntay iga hooya, waxaanu yidhi:
“Waxaan maalintaa si gaar ah u sii xusuustaa dhaawac halis ah oo iga soo gaadhay saddex xabbadood oo igu dhacay ugu danbayntiina lugta midig I naafeeyay. Rag badan oo Mujaahidiin ahaa oo shahiiday ama dhaawacmayna waan sii xusuustaa. Dagaalku cawaysinkii ayuu dhammaaday. Gabbalkii dumay iyo habeenkii soo galay ayaa annaga iyo cadawgii na kala raray oo noo kala guray. Lixdii galabnimo markii ay saacaddu ahayd aniga oo dhaawac ah waxaan ku jiray meel dhexdooda ah. Markaa meydkoodii ilaa teknikadii ka gubatay waa ay guranayeen. Wixii ay jiidan karayeen iyo wixii ay qaadan karayeenba waa ay qaateen.”
Hadda Mujaahid Diiriye-gaab ayaa gaawaha inoo hayay oo aynu gaaxdii xusuustiisa maalaynay. Intaa hore wuxu ku kabay:
“Markii gabbalkii dhacay dib-u-gurasho xeel dagaaal ayaanu Burco-duurrey ku tagnay. Dhaawicii ayaanu halkaa ku urursannay. Iyaga oo ciidan xul ah oo hubeysan isu haystay haddana wixii goobta ka gaadhay waa ay u qaadan waayeen. Waxay ahayd mid ka mid maalmihii ugu mudnaa ee SNM ka guulaysato ciidanka cadawga. Waxay ahayd maalin cadawga si aanu ka soo kabin karin oo ceeb iyo weji-gabaxba ku ahayd loo jebiyay.”
Waa tahay. Haddii ay intaasi inala kala gaadhay labadaa rug-caddaa, bal hadda immikana aan dheehanno Mujaahid Quulle oo goorahanba afku cun-cunayay, waxaanu yidhi:
“Marka hore shuhadadii aan Faataxada u marno. Intii la dhalatay iyo intii ay ka dhinteenna Ilaahay ha ka cawilo. Dhammaanteen Ilaaheen ha inaga cawilo. Waa maalin farxadeed. Waana maalin murugo. Waa maalin farxadeed oo waa maalintii cadawga laga guulaystay. Waana maalin murugo oo waa maalintii ay SNM ugu khasaaraha badnayd raggii ugu qiimaha badnaana ay ummadda ka baxeen. Haddii aanu khasaare ku soo gaadhin guul ma hantidid. Marka hawsha lagu jiro ninba dhinac ayuu wax ka arkaa ama aragtidiisa ayuu ku hadlaaye, nimankii maalintaa foodda aanu is-darray ballaan-qaad dallacaadeed ayay qabeen oo ku dagaallamayeen. Darajo ay helaan oo ay nidaam daallin ah ka kasbadaan ayay u dagaallamayeen. Annaguna waxaanu ahayn niman Janno doon ah ama dal iyo dad doon ah. Foodda markii aanu is-darnay iyaga oo naga xoog badnaa oo naga tiro-badnaa waxaanu kaga guulaysannay hiilka Eebbe, xaq-u-dirirkii aanu ahayn iyo niyaddayadii birta ahayd. Gurmad waxa noogu sokeeyay Laan-qayrta oo galbeed naga xigtay iyo Gubad-daalaco oo bariga naga xigtay. Labaduba waa ay naga fogaayeen. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: Geesi il buu diriraa. Dantu waxay nagu qasabtay in Mujaahid kastaaba wixii rasaas qoriga ugu jiray uu madhxiyo, beekhaamiyo oo uu si tashiilan u adeegsado si aanu gacanta cadawga ugu dhicin.
Cadawga meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo galay dalka Itoobiya. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay burburiyaan oo ay cagta mariyaan ciidankaa Sayid Cali ee xuddunta u ahaa cududdii hubeysneyd ee SNM.”
Haakah! Ma tidhaahdeen oo warankaa Burco-duurrey iyo warkeedii ma idiin baxay. Bal hadda aan sheekada yar hakinnoo oo dib u guurno 30-kaa sannadood oo tagno 25/10/1984kii. Aan daalacanno warbixintii Ibraahin Kood-buur maalintaa ka qoray dagaalkaa meesha ‘Xabashi’ la yidhaahdo ka dhacay, bal se Burco-duurrey ku caan-baxay. Warbixintan iyada oo teeb ku garaacan oo sawiran ayaan ka qaaday Mujaahid Cabdi-shanaad. Waxaan idiin ku soo minguurinayaa sidii uu Ibraahin Kood-buur maalintaa u garaacay isaga oo Diri-dhabe ku sugnaa.
Warbixinta Ibraahin Kood-buur inta aanan bilaabin, Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ aan ka ambo-baxo weedhaha ugu danbeeya ee warbixintani ku dhammaato, waxaanu qoray Ibraahin Kood-buur, 25/10/1984kii:
“Taariikhdu markii ay ahayd 19/10/1984kii ciidammadii SNM ee ka kala yimid Dugsigii tababarka ee Awaare, Laan-qayrta iyo Dhooba-guduud waxay weerareen cadawga oo joogay Qol-buulalle goor habeennimo ah. Khasaarihii cadawga gaadhay oo aad u weynaa weli lama soo tiro-koobin, ciidammadeennana waxa ka shahiiday Mujaahid Maxamuud Siciid Daa’uud.”
Sow tii uu Hadraawi lahaa:
“Fidmo looma sacab-tumo,
Hadday sii fogaatana,
Ninka cararay waa fule,”
Aan ku noqonno shahiid Ibraahin Kood-buur iyo warbixintiisii Burco-duurrey ee 25/10/1984kii, waxaanaynu u soo gaabsanaynaa sidan hoos ku qoran:
SOMALI NATIONAL MOVEMENT
Flimsy Fayl Dire Dawa
Oct. 25/1984
Guddoomiyaha SNM
Dire Dawa
Uj: warbixin dagaal
17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:
10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa.
Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.
Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay.
Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa:
4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:
• 108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,
• 9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,
• 2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,
• 1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,
• Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,
Khasaarihii Ciidankeenna gaadhay:
• Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qornaa,
• 30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badankoodu fududaayeen,
• Hubka la waayay:
BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori.
Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu xaqiiqadii maalintaa u sugno suabaxnimadii Khamiiseed ee 18/10/1984kii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo isagu ka mid ahaa dadkii dagaalkaa ku naafoobay.
Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment