“Maanta, beelaha Somaliland marka beesha dhexe laga reebo, beesha ugu badan ee wax ka haysaa waa iyaga (Samaroon), laakiin waxaan leeyahay….”
“Anigoo Suldaan ah ayuu Daahir Rayaale i xidhay intaan isku dhacnay, Maxamed Xaashi Cilmi oo siyaasigii reerka ah wuu xidhay, Gaboose wuu xidhay…”
“Waxaan leeyahay Suldaanka, sidii Daahir Rayaale ayaa lagu xidho haddaad dawladnimada addeeci waydo. Wixii Daahir Rayaale naga yeeli waayey ee cid walba jeelka u dhigayey in isaga maanta laga yeelo maaha” – Boqor BUUR-MADOW - WARAYSI
Hargeysa, 16 Dec, 2014 (Himilo)- Boqor Cismaan aw-Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa si adag uga hadlay dhawaaqii ka soo yeedhay iyo dhaq-dhaqaaqyada xasilooni-darrada xambaarsan ee Suldaan Wabar ka wado deegaamo ka tirsan gobolka Awdal, waxaanu ku sifeeyey arrimo siyaasadeed oo gacmo shisheeye ku lug leeyihiin, taas oo uu sheegay inay baahan tahay go’aan adag oo xukuumaddu ka qaadato sidii looga hortagi isla markaana wixii tabasho ah
Suldaan Wabar oo ka tirsan madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa dhowaan shaaciyey inay deegaamadiisu ka go’ayaan isla markaana aanay ka sii mid ahaan doonin Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku hanjabay inuu samaysanayo malleeshiyo-beeleed uu kula dagaalamo Ciidamada Somaliland. Waxaanay xukuumadda Somaliland tallaabadaas kaga jawaabtay ciidamo milatari ah oo lagu daad-gureeyey deegaamada uu Suldaankani dhaq-dhaqaaqyada ka wado iyo Wefti ka kooban Golaha Wasiirrada oo deminta xiisadda ka abuurantay dhawaaqiisa loogu diray Xarunta gobolka Awdal ee Boorama oo ay ku sugan yihiin, halkaas oo ay kulamo kula qaateen madax-dhaqameedka kale ee beelaha Samaroon. Waxaana Ciidamada deegaankaas la geeyey ka qayliyey Siyaasiiyiin mucaarad ah oo deegaankaas ka soo jeeda iyo madaxda kale ee Xisbiga Mucaaradka.
Haseyeeshee, Boqor Cismaan aw-Maxamuud, ayaa ku dooday inay dawladnimada sharaf-dhac ku tahay in deegaamo ka tirsan dalka laga abaabulo malleeshiyo-beeleed ka soo horjeeda Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, xukuumadduna ay ku saxsan tahay Ciidamada ay deegaamadaas geysay, isaga oo wada-hadallo iyo wada-xaajood lala yeesho Suldaan Wabar ka horreysiiyey in marka hore meesha laga saaro Feker siyaasadeed uu ku tilmaamay inuu dhabar-jab ku yahay Qaranimada, Suldaankuna uu ku soo laabto xayn-daabka Qaranimada Somaliland.Boqor Buur-madow waxa uu Suldaanka Duurka galay ugu mano-sheegtay inuu ka filayey taageero uu la bar-bar joogsado madaxweyne Siilaanyo maadama oo Cismaan ahaan uu Daahir Rayaale ka raacay, kana taageeray Axmed Siilaanyo wakhigii uu Xisbiga Kulmiye Mucaaradka ahaa, Beesha Samaron ee madaxweyne Daahir Rayaale ka soo jeedayna ay talada dalka haysay.
“Wax dhaliil ahna odhan maayo oo igama geyo Suldaanku, laakiin isaga iyo cidda kale ee taageersan waxaan odhan karaa uun si hoga-tusaaleyn ah; waxaan leeyahay Somaliland mar Cabdiraxmaan baa joogay, marna waxa jooga Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Marna Daahir Rayaale ayaa joogay oo uu suldaankiisii ahaa. Daahir Rayaale 12-sanno ayuu xukumayey dalka, qallooc iyo qumaatiba wuu u soo xukumay. Waxaanan odhan karaa Suldaanka in aan laga yeelayn, ‘Geeloow haddaan Xabag kugu arkona kaa goostay, haddii kalena kaatagay’, ma noqonaysee Somaliland waa lagu heshiiyey, dadka reer Awdal-na waa dadka ugu mudan, uguna sharafta badnaa, dhismaha Somaliland-na baalka dahabka ah kaga jiray. Anigoo Siilaanyo Suldaankiisii ah oo tartan siyaasadeed ka dhexeeyey, 12-kaas sannadoodba anigu Daahir Rayaale ayaan ag-fadhiyey oo taageerayey. Waxaan Suldaanka maanta ka filayey, maadama beeshiisu ahayd beeshii ugu sedka bursatay, inuu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dhinac fadhiisto, ayaa laga eegayey, inuu abaalkii Celiyo ayay ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur-madow oo u warramay shalay Caynaba News.
Boqor Buur-madow oo ka hadlayey tabashooyinka laga tirsado Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo arrinta suldaanku salka ku hayso, waxa uu yidhi, “Aniga iyo Suldaan Wabar, labada beelood ee Somaliland sharaftay baanu ka mid nahay, waxay ahayd inaanu wejiga Xumaan ka dhowrno. Laba iyo Toban Sanno isagoo dalka soo xukumayey in Suldaan Wabar iyo raaskiisu inay yidhaahdaan Jabhadbaanu la baxaynaa, waa ayaan-darro, saaxiibkey arrinkaa waan uga tacsiyadaynayaa, cidda ku raacsanna waxaan leeyahay dhaqanka dib ha loo eego. Somaliland intay jirtay badhkeed ninka soo xukumayey inuu maanta wax tirsado ayaan-darro weeyi.”
“Madaxweynuhu afar inan oo wasiirro ahbuu naaxsadaye beeshii intaas la soo tabacday waxay ku qabtaa ma jirto, hadday tijaar tahay iyo hadday dhaqan tahay, annagaa u tabasho badan ee meel aanu geyno iyo cid aan ula tagno ayaanu la’nahay. Waan hubaa markii madaxweyne Rayaalena beeshiisu inay sidaas oo kale qabtay. Madaxweynaha waxaan leeyahay wixii laga qaban karo tabashada halaga qabto.
Maanta, beelaha Somaliland marka beesha dhexe laga reebo, beesha ugu badan ee wax ka haysaa waa iyaga (Samaroon), laakiin waxaan leeyahay horena u idhi beelaha kale hala raalli-geliyo, maadaamaa aynu Somaliland dhisayno, cid kasta oo tabasho sheeganaysa hala raalli-geliyo,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Buur-madow.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan leeyahay Suldaan Wabar iyo rag badan oo qaylinayeyba ay ka maqlayey, maxaa Ciidanka loo keenay, maxaa wax loo xidhay. Anigoo Suldaan ah ayuu Daahir Rayaale i xidhay intaan isku dhacnay, Maxamed Xaashi Cilmi oo siyaasigii reerka ah wuu xidhay, Gaboose wuu xidhay. Dawladnimadu go’aan adag bay u baahan tahay, dawladdana waynu wada qaadannay, waynu wada-dhisannay, cidna lagama xigo, hoggaankeeduna wuu inaga dhexeeyaa. Waxaan leeyahay Suldaanka, sidii Daahir Rayaale waa lagu xidho haddaad dawladnimada addeeci waydo, wixii aad tabanayso Miiska kaalay adigoo suldaankii ah, siyaasiga reerkana hadduu yeelo, sidii Maxamed Xaashi iyo Gabboosaa loo xidhi. Haddii lagu kala dhaqaaqayo iyo haddii lagu kala dhimanayo wax alla wixii rabshad ka bilaabana waa la xidhi,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Buur-madow.
Mar uu ka hadlayey saamaynta arrintani ku yeelan karto Doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka dambe, waxa uu yidhi, “Anigu waxaan leeyahay, haddii wax la tabanayo, dawladdan ciddii wax ka weyda, waxay wax ku heli karaysaa inaynu doorasho ku beddelno, laakiin cidda maanta aaminsan in si kale wax loo beddelo, waxaan leeyahay, waad u kordhinaysaan, dawladdu kuma tagayso Suldaan meel u baxa, toban suldaan oo baxa iyo beel baxda toona. Haddii dagaal dhaco, kordhinbaa imanaysa oo aan guurti la maraynin oo way ka xumaanaysaa. Anigu waxaan leeyahay, waar nabadgelyada aynu ilaashanno, dadka buuqayana waxa weeyi, nin waliba dalka soo xukunye, wixii aad ku xukumi jirtay, ayuunbaa lagugu xukumayaaye u diyaar-garow.”
Boqor Buur-madow oo la weydiiyey sida uu u arko xal laga gaadho xiisaddan iyo dariiqa ugu habboon loo mari karo, waxa uu ku jawaabay, “Xalka waxaan u arkaa in dawladdu amniga sugto oo meelo jabhado lagaga dhawaaqo iyadaa ku ceeboobaysa, way ku qasban tahay inay ciidan geyso. Laakiin, waxaan leeyahay tii odayeyntuna waa inay shaqayso, dawladdana aan la hoosaasin, waayo suldaanku siyaasad buu ka hadlay, Awdal State buu ku dhawaaqay, madax-bannaanidii Somaliland ayuu ka noqday, Somaliland mucaarad ah hadduu yahay wax kale ayay ahaan lahayd, siyaasad baa meesha jira. Anigu waxaan leeyahay dawladdana in la hoosaasiyo looma baahna, qoladaha mucaaradka ah ee Qaylinasana waxaan leeyahay, haddii aad wax qabanaysaan ergo u dira, idinku taga oo dhex-dhexaadiya, dawladda dhaama oo nabad keena, markaa aynu dawladda wada qabanno. Suldaanku marka uu soo fadhiisto ee uu ku noqdo khariiraddeenii, walaaltinimadeennii iyo wada-hadalkeennnii, dawladda waanu qabanaynaa, laakiin Shaki baa jira, siyaasad baa meesha ku jira, markaa aniguna cidna ma hoosaasinayo, mowqifkayguna wuu cadyahay,” ayuu yidhi Buur-madow, isaga oo hadalkiisa, sii watayna, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaan leeyahay walaalkey suldaan Wabar-na arrintaas inuu ka soo noqdo oo aanu ahayn arrin isaga u cuntama, wax laga yeelayana aanu ahayn; wixii Daahir Rayaale naga yeeli waayey ee cid walba jeelka u dhigayey in isaga maanta laga yeelo maaha.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment