Laascaanood, 16 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa furay mashaariic horumarineed oo dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wasiir Xagla-toosiye iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay gaadhay magaalada, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey magaaladaas, iyada oo duleedka magaaladaas ay kaga hortageen maamulka gobolka, ka degmada iyo dadweyne tiro badan, waxaanu wasiirku markiii uu gaadhay gudaha magaalada uu xadhigga ka jaray mashaariic caafimaadka ah oo xukuumaddu ka hirgeliyey magaaladaas.Wasiir Xagla-toosiye waxa uu xadhigga ka jaray Machadka Tabobarka Caafimaadka ee gobolka Sool oo magaalada laga hirgeliyey iyo dhismayaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Guud ee magaaladaas, iyada oo mashaariicdani noqonaysa kuwii ugu horreeyey in muddo ah ee dhinaca adeegyada bulshada laga sameeyo magaalada Laascaanood.
Munaasibadaha loo sameeyey labada mashruuc ee Wasiirku xadhigga ka jaray ka dib, waxa uu gudaha cusbitaalka Guud ee magaalada Kulan kula qaatay hawl-wadeennada iyo madaxda Caafimaadka heer gobol, waxaanay iska xog-warraysteen xaaladda adeegyada caafimaad ee gobolka, waxaanay madaxda gobolku wasiirka uga mahad-celiyeen ku boorriyeen mashaariicda horumarineed ee uu gobolka ka hirgeliyey.
“Wasiirka caafimaadku adeegyada uu ka fuliyey gobolka ammaan buu ku mutaystay, maalintii la magacaabay ee uu noo yimi sida uu cusbitaalku ahaa waa tii loo joogay, waa markii saddexaad ee wasiirku kormeer ku yimaaddo gobolka, ilaa iyo haddana ma jiro wasiir ka tirsan wasaaradaha Somaliland oo saddexdaa jeer soo maray gobolka oo wax-qabadkaa muujiyey laguma hayo golaha wasiirrada,” waxa sidaas yidhi guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan oo ka hadlay kulanka dhexmaray wasiirka iyo madaxda gobolka ee hay’adaha dawladda, gaar ahaan caafimaadka.
Wasiirka Caafimaadka oo isaguna munaasibaddaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey maamulka iyo shacabka magaalada soo-dhawaynta ay ku qaabileen, waxaanu faahfaahiyey mashaariicda ay ugu talo-galeen horumarinta adeegyada caafimaad ee gobolka kuwaas oo hore looga fuliyey degmooyin ka tirsan gobolka, halka kuwa kalena ay qayb ka yihiin labada mashruuc ee uu shalay xadhigga ka jaray. Wasiir Xagla-toosiye qurbejoogta gobolka ugu baaqay inay gacmaha isku-qabsadaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, isaga oo tusaale ugu soo qaatay gobollada Awdal iyo Selal oo uu xusay inay wasaarad ahaan la wareegeen cusbitaallo dhismahooda iyo qalabkoodu u dhamaystiran yihiin oo qurbejoogta gobolladaasi dhiseen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment