Wednesday, December 17, 2014

Guddiga Shirkii Agabbar lagu doortay oo Sheegay inay kala saareen Musharrixiinta KULMIYE ee Muuse Biixi, C/Casiis Samaale iyo Maxamed Biixi & Deedifaynta labada Wasiir

Jewigii Shirka Guddiga horumarinta Sacad Muuse, kala-dhaqaaqii Xubnaha, la kulankii Salaaddiinta Beesha, go’aammada isku lidka ah iyo filashada is-aragga maanta!
Waa maxay Go’aanka Salaaddiinta iyo Waxgaradka ee Maanta, Maxayse ka yidhaahdeen Wasiir Cabdicasiis Samaale iyo Wasiir Maxamed Biixi go’aanka Guddiga Horumarinta Beesha?
Hargeysa, 17 Dec, 2014-(Himilo)- Salaaddiinta iyo Wax-garadka Beesha Sacad Muuse, ayaa la filayaa inay Arbacada maanta waxba kama jiraan ku tilmaamaan go’aan la sheegay in Guddiga Horumarinta beeshu ku kala reebeen Musharrixiinta jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE dhammaysiga xilka Madaxweyne Siilaanyo ka dib, waxaana musharixiinta kulmiye ee sacad muuseMusharrixiinta Beesha ee ay kala saareen kala yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Go’aan Guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse ku sheegeen inay Salaasadii shalay cod ay u qaadeen kala reebitaanka saddexda Musharrax, ayaa la sheegay inuu ahaa mid aanay u dhammayn xubnaha Guddiga ee lagu doortay Shirkii Agabar ee Beeshaas sannadkii hore, maaddaama hawlaha loo xil-saaray aanay ku jirin arrimaha Siyaasaddu, sidaana xubno gudiga ku jiray ku qaaddaceen. Waxaana la filayaa inay Madaxda Dhaqanka Beeshu arrinkaas maanta meesha ka saaraan sida ay Wargeyska Himilo u sheegeen xalay ila-wareedyo ka ag-dhaw dhaqdhaqaaqa Salaaddiinta iyo Siyaasiyiinta Beeshaas.
Xubnaha Guddiga ee go’aanka soo saaray shalay, ayaa la sheegay inaanay kalsooni ka haysan Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo hore ugu sheegay inaan waajibaadkoodu ahayn arrimaha Siyaasadda, hase-ahaatee, loo igmaday arrimaha horumarka Beesha Sacad Muuse, sida Shirweynihii Beesha ee Deegaanka Agabbar lagu qabtay lagu go’aamiyey.
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa labaduba deedefeeyeen, kuna tilmaameen arrin aan loo igman Guddiga, isla markaana aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin wada-jirka Beesha, go’aanka Guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse sheegeen inay ku kala reebeen Musharrixiinta reerka, sida ilo ku dhowdhow u xaqiijiyeen Wargeyska HIMILO. Balse Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo aannu isku-daynay inaannu dhiniciisana xog ka helno, ayaanay noo suuragelin.
Dhinaca kale, kala reebista xubnahan Musharraxiinta jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee ka soo jeedda Beesha Sacad Muuse iyo xubno kale oo ku soo biiri kara, ayaa la filayaa inuu kala reebo Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE, marka wakhtigeeda la gaadho, iyaga oo loo eegi doono, Aqoontooda, Waaya-aragnimadooda, Kartidooda iyo Sumcaddooda gudo iyo dibed-ba ee xubnaha tartamaya lagu kala xulan doono.
Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse ee lagu doortay Shirkii Agabar oo tiradoodu dhammayd 25 xubnood, ayaa la sheegay in 23 ka tirsani shalay gelinkii hore shirku u bilaabmay, balse ay isku khilaafeen, isla markaana shan ka tirsani ay ka cadhoodeen, hase ahaatee intii soo hadhay go’aankan cod u qaadista gaadheen, kaasoo laba xubnood sida qoraalka ay soo saareen lagu sheegay ka aammusayn codaynta ay sameeyeen, halka 14 xubnood u codeeyeen in Muuse loo daayo musharraxnimada Madaxtinnimada KULMNIYE Madaxweyne Siilaanyo ka dib.
Waxaana qoraalka go’aanka ay soo saareen Xubnaha ka tirsan Guddiga horumarinta Beesha oo Nuqul ka mid ah Wargeyska Himilo helay u qornaa sidan:- “Musharrixiintan oo kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo uu qorshahoodu ahaa in ay u tartamaan Jagadaasi Madaxweynaha Somaliland dabadii.
Fadhi ay maanta (shalay) ku yeesheen Guddida Horumarinta Beelaha Sacad Muuse Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay cod u qaadeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi oo dhinac ah iyo labada Wasiir ee Maaliyadda iyo arrimaha Dibeda oo isku dhinac ah.
Fadhiga Gudida Horumarinta oo ay tiradooda guud ahayd 25 xubnood ayaa waxa ka soo xaadiray Fadhigaasi 24, waxaanay cod u qaadeen Musharrixiinta Beesha Sacad Muuse ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa. 14 ka mid ah Gudida Horumarinta ayaa u codeeyay in uu Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu Musharrax u noqdo Madaxweynaha Somaliland dabadii, halka ay Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibedda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ka heleen 7 cod, 2 xubnood ayaa aammusay, Guddoomiyuhuna ma codaynin.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidaasi ku noqday Musharraxa Xisbiga Kulmiye ee marka uu Madaxweynaha Somaliland dhammaysto hankiisa Siyaasadeed ee Xisbigaasi iyo weliba Hoggaamiyaha Siyaasadeed ee ay beeshu isku raacday.”
Hase-yeeshee, go’aankan ka dib oo uu sii xoogaystay khilaafka Xubnaha Guddiga horumarinta Beeshu, ayaa la sheegay inay Xubnaha Guddiga ee go’aankan gaadhay kulan la yeesheen Salaaddiinta Beesha qaarkood, isla markaana ay ka wadahadleen arrintan, waxaanay ila-wareedyo Wargeyska Himilo warkan ka helay tibaaxeen in saddex ka tirsan Salaaddiinta ka cadhoodeen go’aankaas. Hase-yeeshee, Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay u warramay Hadhwanaagenws, ayaa sheegay inuu ayiday go’aanka Guddiga horumarintu ku kala reebeen Musharrixiinta hanka siyaasadeed leh ee Beesha Sacad Muuse.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment